Laba Gu’ Ka Hor Iyo Badbaadintii Dugsiga Sheekh Cali Cismaan “Riis” 3 Oktoobar 2017: Xasuusta Dareenkii Tognaa Ee Bulshada! (WQ: Siciid Maxamuud Gahayr)

Laba Gu’ Ka Hor Iyo Badbaadintii Dugsiga Sheekh Cali Cismaan (Riis) (3 Oktoobar 2017): Xasuusta Dareenkii Tognaa Ee Bulshada!

Marar door ah ayaa la isku deyay in la dhisto deyrka Dugsiga Sheekh Cali Cismaan (Riis), oo ku yaalla waaxda Gacan-libaax ee Hargeysa.waa hilaad ku beegan Sebtember iyo Oktoobar 2017ka. Iskuulkani Waa soo-jireen ay dawladdii Ingiriisku dhistay 1953kii. Waxa aan ka mid ahaa ardayda ka baxday. Dhulkani mar waxa uu istaan ay gaadiidku istaagaan, marna waa jid gawaadhidu maraan.

Marar kala geddisan waxa dugsiga yimi:

1. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) Wasiirkii Arrimaha Gudaha

2. Cabdillaahi Ibraahin Habbane (Dheere) Wasiirkii Waxbarashada

3. Sarreeye Gaas Cabdillaahi Fadal Iimaan Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska

4. Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) Duqa Caasimadda Hargeysa

Dhulkan waxa kala goosanayay xildhibaanno ka tirsan DHH iyo ganacsade maalgelin samaynayay. Waxa la qorsheeyay in ugu dambayn la dhiso 3dii Oktoobar 2017ka. Galabnimadii ka horraysay ayaanu faafinnay farriin digniin ah. Xogta waan heli jirnay. Waxaanan ku ballannay in awood dadweyne lagu joojiyo leexsiga dhulkaas danta guud ah. Waxa iga go’nayd in aan geed walba u fuulo ka hortagga dhacdada. In aan rasaas laabta u dhigo ayaan diyaar u ahaa. Dhaqdhaaqa aan wado waxa ogaa Dawladda Hoose, Booliska iyo bahda waxbarashada, laakiin dheg uma jalaq siinnin.

“Maxaa dhacay 3dii Oktoobar 2017ka?”

Koox qawlaysato ah ayaa keenay jiingado iyo loox la rabo in lagu dhiso afaafka dugsiga, laakiin shacabka ayaa fitir faatir u kala qaaday.Iyada oo la yaabban yahay ayuu nin oday ahi bakooraddiisa qaaday oo jiingaddii ku dhuftay, dadkii ayaa fitir faatir u kala tuuray, waa lala kala yaacay. In deyrka iskuulka cagaf la geliyo oo lagu siqo gudaha dugsiga ayaa la rabay. Cabbaar kaddib waxa yimi ciidan boolis ah oo xabbado ridaya, looma se bixin.  Kolba inta aanu ka gabbanno ayaanu ku soo xoonnaa barada. Dad badan ayaa la laallaadiyay oo gudaha la dhigay, waxaana lagu guray Saldhigga New Hargeysa.

Mar dambe waxa yimi kooxo kamarado sita, waxa aan mooday saxaafad. Waxaanan doonay in aan u warramo. Waxa garankooda ku qornaa CTU: Counter terrorism Unit. Shaw waa niman ka tirsan laanta dembi-baadhista CID. Magacooda ayaan gartay “iskuul la boobayo ayaannu diiddanahay. Ma fiican tihiin?” baan ku idhi.

Ugu dambayntii Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan ayaa shacabka la hadlay “Gebi ahaan waanu joojinnay dhiskii halkan laga waday, yaanay qas-wadeyaasha (tuugtu) ku gabbannin shacabka ee iska kala dareera” ayuu yidhi. Waxa la socday boqollaal askari iyo gawaadhi ciidda ka badan. Waxa ay ahayd subaxa aan hor fadhiistay Sarreeye Gaas Cabdillaahi Fadal Iimaan oo hadlaya. “Moobilka ka qaada” ayuu yidhi mid rabay in uu sawir ka qaado. Sidaas awgeed kaygii jeebadda ayaan gashay.

Waxa aanu diidnay in aanu kala dareerno, waxaanan u sheegnay in ay iyagu iska rawaxaan. Waanay naga dhaqaaqeen. Dhanka kale waalid badan oo hooyoyin ah ayaa hor tubnaa dugsiga, kuwaas oo werwer ka qabay ubadkooda ku jira dugsiga. Bal se ardaya looma sii deynnin nusasaace, waxaana hawsha dhismaha oggolaa maamulka dugsiga.

Dhismahan ayaa la rabay in laga dhiso waddada hor marta dugsiga, waxaa se gebi ahaan loo mari waayay shacabka muwaadiniinta ah. Dawladda Hoose ee Hargeysa ayaa Ganacsade Nuur Muuse Shiraaqle saami-wadaag kula ahayd shirqoolka lagu xaraashayo dhulkan danta guud ah.

Ugu dambayntii waxa saxaafadda la hadlay Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan) Wasiirkii Hawlaha Guud, Guryaynta iyo Gaadiidka oo sheegay in dawladdu joojisay dhismahaas. Boobka dugsigaasi waxa uu ahaa shaambad lagu dhuftay Cali-Mareexaan oo aan waxba ka ogeyn falkaas.

Maalmihii dambe waxa ka hadlay Masuuliyiinta Sare ee WADDANI Cabdiqaaddir Xaaji Ismaaciil Jirde, Xuseen Axmed Caydiid, Guddoomiyaha UCID Faysal Cali-Waraabe iyo ummadda Somaliland. Wax ay ahayd tallaabo lagu muujiyay awoodda shacabka. Ummadda lama marsiin karo wax aanay raalli ka ahayn.

Gadoodka shacabku maalintaas sameeyay wuxuu ahaa tusaale nool oo duudsiga lagu joojin karo.