Todobaatan Guurada Kacdoonka Shiinaha (WQ: Maxamed Haaruun Biixi)

Maanta iyo dhawrkii maalmood ee ka horeyay ba waxa Shiinaha looga damaashaadaayay kacdoonkii yaabka lahaa ee 70 sanadood ka hor (1dii October, 1949), uu Chairman Mao Zedong curashadiisa kaga dhawaaqay fagaaraha Tiananmen ee Beijing, caasimadda Shiinaha. Dagaal sokeeye oo dhiig badani ku daatay ka dib, waxa dhashay Jamhuuriyadda Dadwaynaha Shiinaha (Peoples Republic of China), ee aynu maanta naqaanno. Waxa yaab iyo amakaag wayn leh in waddan dhulka yaalla, oo sabool ah, oo dadkiisu gaajo iyo cudurro u daadanaayaan, muddo 70 sanadood oo keliya ah lagaga dhigo waddanka labaad ee dhaqaale iyo milatari ahaan ba caalamka oo dhan ugu horeeya! Runtii tani waa mucjiso aadmi samee ah, wax kasta na, hadda wax kasta, waa la samayn karaa; waa se hadii umaddi ay hesho hogaan dhab ahaan ay ka go’antahay in uu meel gaadhsiiyo.

 

Sheeko yaab leh, oo sawir ka bixinaysa halkka Shiinuhu taagnaa 1949, waxa inoo sheegaysa Noreena Hertz, oo bilawga cutubka labaad ee buugeeda The Debt Threat And Why We Must Defuse It – kaga waramaysa Mao Zedong, hogaamiyihii kacdoonka Shiinaha, oo u baryo tegay Midowgii Sofiyeedka. Dal balaadhan, iyo dad tiro badan, oo Hadana sabool ah ayuu qabsaday, shuuciyad na waa ku dhawaaqay, Reer-galbeed iyo Maraykan na dayn iyo deeq ba waa u diideen, dantii na waxa ay  hoos geysay Soofiyeedkii oo laftiisu tacbaan ahaa, oo xiligaas uun ka soo baxay dagaalkii labaad ee lagu hoobtay. Laba bilood uun ka dib ku dhawaaqisttii kacdoonka Shiinaha, Mr Mao waxa uu soo galay safar dhulka ah oo 8,600 kilo mitir ah, si uu ula kulmo Josaf Stalin, hogamiyihii Soofiyeedka ,waxaana la dajiyay qasri uu Stalin ku lahaa duleedka galbeed ee Mosko.

 

Mr. Mao waxa uu yidhi – muddo dhawr usbuuc ah, oo aan sugaayay balanta Stalin la iiga soo qabanaayay, waxa keliya ee aan qabanaayay waxa uu ahaa in aan cuno, seexdo, oo Hadana musqusha aado. Mao waxa uu doonaayay in la daymiyo lacag gaadhaysa 300 milyan oo doolar, iyo in xidhiidh is garabsi uu la yeesho Soofiyeedka. Dhawrka usbuuc ee Mr. Mao qasriga cidlada ah lagu hayay, Stalin iyo Soofiyeedku waxa ay ka doodaayeen in ay xaqiiqo ahaan munaasib tahay in dad liita, oo sabool ah sida Shiinaha oo kale, wax lagu darsado iyo in kale. Aakhirkii waxa ay isla garteen, buu Mao yidhi, in ay dayntii na siiyaan, laakiin waxa la socotay shuruud ah in aanu rasmi ahaan ula xulufo noqono.  Dayntii uu qaatay awgeed, Hogaamiye Mao waxa uu ku khasbanaaday in uu si buuxda uga qayb galo dagaalkii labada Kuuriya ay ku kala go’een ee Soofiyeedka iyo USA ay sida tooska ah ugu jireen, lacagtii uu soo daynsaday na, isla qoladii daymisay uun buu hub kaga iibsaday.

 

Si kastaba, Hogamiye Mao 70 sanadood ka hor waxa uu yidhi, “Dadka Shiinuhu maanta waa kaceen”. Hogamiyaha maanta ee Shiinaha, Mr. Xi Jinping na, khudbaddii uu shalay ka jeediyay isla fagaarihii jamhuuriyadda lagaga dhawaaqay waxa uu ku sheegay, in aanay maanta jirin quwad keliya oo Shiinaha ka leexin karta jihada ay u socdaan. Dabcan kaasi waa hadal wayn, mana aha hadal si fudud iyo xisaab la’aan ku soo baxay. Waa gartii in uu sidaas yidhaahdo kol hadii Shiinaha maantu xoog uga duwanyahay kii 70 sanadood ka hor, oo uu leeyahay quwadda labaad ee milatari ahaan caalamka ugu pbalaadhan, dhaqaale xooggan oo kor u dpttttsocda, oo la isla ogolyahay in uu dhawaan noqonaayo midkag 1aad ee caalamka, iyo waliba bangiga ugu wayn ee daymo debedeed bixiya, ee Maraykan, Yurub iyo Ruushba dayn ku leh. Isku soo wada duub, in kasta oo Shiinuhu ay dhibaatooyin u gaar ah oo aanay ilaa hadda maaraynin ku fadhiyaan, oo ay ka mid tahay xukun wadaagga, xoriyadda bulshada oo hoosaysa, dhaqaalaha badan ee la helay oo aan bulshada wada gadhin iwm, hadana runtii xawaaraha ay Shiinuhu mudada gaaban ku gaadheen meesha adka u durugsan waa mid yaab leh. Waa safar tusaale u ah cid kasta oo ay dani ka hayso in ay hore u socoto, xataa Soomaalida.

 

– Anfariirka Shiinahan dhigay, ee Yurub ka uugaantay;

– Waakuwaa alaabada culculus, oogada u diray;

– Iyaba waa malyuun alif hadana, waa ushaa qudha ee;

– idinkoon ardaa buuxin, baa kala ordaysaan

(Timacadde)