Sheeko: Maad idinku ixtiramtaan (WQ: Ahmed A. Kaahin)

Sheekh Al Jafri oo maalin muxaaadaro ka jeedinaya masaajid ku yaala canada, waxa markuu fadhiistayba su’aalo ku boobay dhalinyaro jibaysan. Sheekhu wuxuu u sheegay muxaaadarada dabadeed.
Markii muxaadaradii uu dhameeyay ayaa su’aalo lagu boobay buuq bay noqotay waxa uu sheekhii yidhi su’aalihiina waan idiinka jawaabayaa haddii laba shardi la idinka helo.

In aaad masaajidka codka hoos uga dhigtaan waan idin maqlayaaye. Iyo in intaaan hadlaayo aydaan iga dhex galin
Markuu bilaabay jawaabtiii koobaaad mid baa ka dhex galay midkalaa u jawaaboo yidhi waar suga ha dhameeyee mise buuq . Sheekhii wuxuu yidhi haddii ay tahay in la kala adkaado anaa la iga badiyee nabad galyo.

Markii sheekhii sii baxaayo waxaa ka daba yimid nin wayn oo da ah, oo dhuuban oo gadhku cadaaday oo dhibirsanaan ka muuqato oo kamida dadka masaajidka dhisay ee aasaasay oo maamulka kamida Wuu iiyimid isagoo laabta igalinaaya oo oo’yaya.

Wuxuu ku yidhi sheekh ilaahay hakaa abaal mariyo maadaama aad doodii inaga xidhay. Maalin dhawayd ka hor kuwan iyo qaar kalaa dooday, waxaanay gaadhay in ay is farasaareen. Oo boolisku yimaado masaajidka kabahoodana lasoo galaan masaajidka.

Mid ka mida askartaan ku idhi kabaha ka saara oo masaajidka ixtiraama, intuu isoo eegay ayuu yidhi haddaad masaajidka ixtiraamtaan idinku maanu nimaadnee.