Shir-gudoonka Golaha Wakiilada oo la kulmay Weftigii EU-da

Gudoomiyaha Golaha wakiilada JSL mudane Baashe Maxamed Faarax, oo ay weheliyaan gudoomiye ku-xigeenka Golaha wakiilada JSL mudane Axmed-Yasiin sh. Cali Ayaanle, Gudoomiyaha gudida arimaha Gudaha Cabdilaahi Xuseen Cige (Balaaki) iyo xoghayaha guud ee Golaha wakiilada Md Cabdirisaaq Siciid Ayaanle ayaa maanta kulan la qaatay weftigii safiiradda Yurub ( EU-da) ka socday ee shalay dalka safarka shaqo ku yimi.

Weftigan oo uu hogaaminayay safiirka EU-da Fulgencio Garrido Ruiz kana koobnaa safiirada dalalka (UK, Denmark, Sweden, Norway, Finland, Swizerland Iyo Madaxa Xafiiska Hargeysa ee UK) ayay labada dhinac ka wada hadleen Mawduucyo dhawra oo ay ka mid tahay qabsoomida doorashada , saami qaybsiga kuraasta gobolada, xeerarka doorashooyinka iyo kootada dumarka.

Gudoomiyaha Golaha wakiilada Mudane Baashe Maxamed Faarax ayaa weftiga u xaqiijiyey ka go’naanshahooda in doorashada golaha wakiiladu ku qabsoonto waqtigii loo mudeeyey diyaaarna ay u yihiin inay kuraasta baneeyaan.

Sidoo kale gudoomiyaha golaha wakiiladu wuxuu weftiga u sheegay inay diyaar u yihiin inay ansixiyaan xeerarka doorashada balse arinta keliya ee ay u cadilan tahay ay tahay Saami qaybsiga kuraasta Gobolada oo aanay suurto gal ahayn in ay xildhibaanadu jaaan gooyaan maadaama xildhibaan waliba deegaan ka soo jeedo oo qadiyadaasi tahay mid u baahan wadatashi qaran.

Kulankan oo ay ka hadleen safiiro dhawr ahi ayay dhamaantood shir gudoonka uga mahadnaqeen sida ay uga go’an tahay qabsoomida doorashadu muhiimad gaaar ahna ay arintaas siinayaan weftigoodu.

Gebagebadii kulanka ayaa ku dhamaaday is-faham buuxa oo labada dhinac ah.

55875513_2288987207856435_3052059049651601408_n

55929371_2288988207856335_4906844086633234432_n

55931145_2288986794523143_2157734244581900288_n

55940009_2288987561189733_6961475261862772736_n

56120214_2288986567856499_1979545277060612096_n

56140539_2288988594522963_8928100422598524928_n

56203755_2288987921189697_1650505246943739904_n

56304271_2288986947856461_3109695917331054592_n

56340193_2288988004523022_1550742317822902272_n

56389383_2288987327856423_1345788926589140992_n

56403687_2288988087856347_5208066068840448000_n

56403742_2288987671189722_8278875549842014208_n

56407412_2288986821189807_1300202392817500160_n

56419442_2288988404522982_7511259701707800576_n

56513094_2288987364523086_8384634717164535808_n

56514071_2288987794523043_2850840372999880704_n

Xigasho:- website-ka golaha wakiilada somaliland.