Sheeko siyaasi ah: Haddii aanu walaalkayo garab istaagi lahayn, maanta waxaasi kumay dhaceen (WQ: Kamaal Xasan Isaaq)

 

Quule wuxuu ahaa nin  reer miyi ah oo la dhashay wiilal badan, in kasta oo aanay  jeclayn walaladii  inta badana way ka waji dadbi jireen ama may xidhiidhin jirin  , walaalkoodan wuxuu  lahaa  adhi yar oo  xayn ah ,aroor hore isagoo adhigiisii yaraa xeradii ka  sii dareerinaya ayaa   waxaa  soo weerareen  koox waraabayaal ah oo aad u Gaajaysan , mid ba neef buu la haaday  adhigiisii  , ninkii adhiga lahaana intuu budh wayn soo qaatey  , garana waawey meel uu kaga hagaago waxaanu  ku waashay yur yur .,yur yur,!

Qaar ka mid ahaa walaaladii oo socoto ah, beryahana aan aarag, doonayeyna  inay maalintaa  sii martiyaan, walaalkood ay hore u dayriyeen ayaa   la kulmay  mashaqada ku dhacday iyo sida  waraabayashu adhigiisii yaraa midba neef u  cunayo oo meel guriga kamabalkiisa ah ku  ruq-ruqayaan, waxbana way  ka qaban kari waayey ileen waa goor xeedhiyo fandhaal kala dhaceene.

Ninkii adhiga lahaa markuu arkay walaaladii oo hareero jooga , ayuu  calaa calay isagoo leh “haday walaaladay wax ila qaban lahaayeen oo marka hore I garab istaagi  lahaayeen  waraabayaashu imay soo weerareen , maantana maan caydhoobeen, dhinacoodaa layga soo dhacay.

Walaaladiina intay madaxa  is wada qabteen oo ka murugoodeen waxaa walaalkood ku dhacay  ayey yidhaahdeen, haddii aaanu walaalkay garab istaagi lahayn waxaasi kumay dhaceen, maanta laga bilaabo waan ku garab taaganahay walaalo.

Hoos ka akhriso maqaalo hore oo uu qoray Kamaal Xassan Isaaq

Cabsida carruurtu usha ka qabaan

Wadayaasha baabuurta iyo waxyeeladay carruurta ku hayaan

Hoos u dhaca sayladaha xoolaha oo saameeyey xoolo dhaqatada masaakiinta ah

Xilbaa lagu magacaabay!

Is hubso!

Sheeko dhab ah: I waydii waxaan rabo!

Badbaadada carruurtu waa badbaada bulshadeena

Waxaan la ooyayaa Gaajo!

Tell:  00252-63-4402758  

 kamalcadow@hotmail.com

Hargeysa Somaliland