Shirka Kuala Lumpur waa Rejada dunida Muslimka (WQ: Abdiqani Haji Ali)

Sheekhayaga Almis Yahye Ibrahim ayaa dhawr iyo toban sano ka hor nooga sheekeeyay dunida Muslimka iyo mustaqbalkeeda wuxuu noo sheegay in Malaysia ay dhigatay yool ah 2020, halka dawladda turkiguna ay sugayso 2023 oo ku soo afjarmaya heshiiskii luggooyo.

Waxa uu ka sheekeeyay waxyaallo badan oo aan berigaa riyo u haysannay balse aan maanta si toos ah u aragno. Aan u soo noqdo Malaysia 2020 waxa uu ka galay sheekhu muxaaddaro.

Muxaaddirada sheekh Almis magaceedu waxaa la yidhaa: “Qeex Yoolkaaga” waxa aanu ku qabtay maddarasaddii Sheekh Baraawe.

Haddaba waxaa dalka Malaysia ka dhacaya shirwayne ay iskugu yimaaddeen shan waddan oo dunida Muslimka ah kaasi oo daba socda mid hore oo 2014tii lagu qabtay isla dalkaasi.

Shantaas waddan waa Malaysia, Turkey, Pakistan, Iran iyo Qatar, ujeeddada shirkuna sida uu sheegay Mahaatiir Maxamed waa: “sidii loo wanaajin lahaa duruufaha ay ku noolyihiin dunida Muslimku, loona jabin lahaa cabsida beenta ah ee Islaamka laga qabo, horumarinta, falaanqaynta iyo baadigoobka xalwaara oo lagaga hortagi karo dhibaatooyinka haysta dunida Muslimka”.

Laba Cisho ka hor (18ka December 2019) waxaa soo xidhmay shirkii dhallinyarada Muslimiinta oo lagu qabtay dalka Malaysia caasimaddiisa Kuala  lumpur, waxaana shirkaasi lagaga hadlay sidii dhallinyarada Muslimiinta mustaqbal  iftiimaya looga samayn lahaa, taasi oo keentay in lagu dhawaaqo bilaabitaanka shan mashruuc oo aasaasi ah kuwaasi oo taabanaya dhinacyada nolosha oo dhan.

Dhallinayradaas isku timid waxa ay laba cisho oo maskax tuujin ah ka dib soosaareen shan tiir oo ay u arkeen ina ay lafdhabar u tahay nolosha;

1. Siyaasadda

2. Dhaqaalaha

3. Hal abuurka Ganacsiga

4. Waxbarashada

5. Tiknoolajiyada casriga

Intaa waxa dheer iyada oo laga hadlay dhibaatooyinka haysta ummadda Muslimiinta, mashaariicdaasi shanta ah waxaa loo soo dhigay sidan: Kobcinta iyo korinta xirfadaha hoggaamineed ee dhallinyarada Muslimiinta,  iyada oo loo oggolaanayo in la siiyo deeq-waxbarasho iyo tababaro caalami ah oo la isku waydaarsanayo waayo-aragnimada iyo aqoonta dhextaala.

Mashruucani wuxuu dhallinyarada siinayaa fursad ay ku dhisi karaan  sees adag oo ku qotoma akhlaaqda Islaamka, kaas oo yoolkiisuna yahay horumarinta ilbaxnimada Muslimka iyada oo la ilaalinayana dhaqamada kala duwan ee ay ummadda Muslimka ahi leedahay.

Safiirka Nabadgalyo ee dhallinyarta: waa mashruuc caalami ah oo ujeeddadiisu tahay sidii kaalmo loo siin lahaa dawlad kasta oo u baahan in la caawiyo xitaa hadaanay Muslim ahayn. Ujeedadiisuna waa in dhallinyarada Muslimka lagu booriyo siday uga shaqayn lahaayeen shaqooyinka iskaa-wax-u-qabsoladaa, ugana mid noqon lahaayeen dadka xalliya dhibaatooyinka iyo loollanka ka dhex socda dunida.

Barnaamijkani waxa uu sida oo kale ka duulayaa in diinta iyo bini’aadamnimadu ay isku keentay ummadda Muslimka uu siinayo kaalmo ururrada ka shaqeeya arrimaha bini’aadamnimo taasi oo ku dhiirigalinaysa in dhallinyaradu ay ka shaqeeyaan ururradaasi, waxa kale oo uu daaranyahay mashruucaasi (Safiirka nabadgalyo ) sidii loo wanaajin lahaa sawirka laga haysto Muslimka, loona tusi lahaa in Islaamku yahay diin nabadgalyo iyo naruuro dadka u sida, taasina ay ku iman karto marka laga qayb qaato caawinta iyo kaalmaynta dadka liita kuwooda Muslimka ah iyo kuwa Muslimka ahaynba.

Tiknoolajiyadda iyo horumarinta joogtada ah: fikraddan waxa ay rabtaa in dunida Muslimka laga dhigo meesha ugu nadaafad wanaagsan, si taasi loo helana waxaa la isticmaali doona tiknoolajiyadda casriga ah ee bulaacadaha iyo bacaha u badali doonto agab laga faa,idaysto iyadoo la iskugu keenayo dhallinyarada dunida Muslimka ah ee iskugu jira injineero iyo khubaro ku tashasusay u beddelida xashiishka wax laga faa,iido taasi oo fursad u noqonayso sidii loo heli lahaa shaqo abuur.

Xirfadaha iyo tababarka: barnaamijkanina waxa u fududaynayaa in dhallinyarada Muslimka ay la jaanqaadi karto tiknoolajiyadda casriga ah laguna carbin doono siday uga faa,idaysan lahaayeen ee ay waddamadoodana ugu faa’idayn lahaayeen.

Waxa lagu soo gebogebeeyay in la qabto shirar socon doona lix bilood oo la isku waydaarsan doono khibradda iyo aqoonta lagu soosaarayo barnaamijyo badan oo ay ka mid yihiin

barnaamijka MAHA oo loo soo gaabiyay Mahaatiir kaasi oo awoodda saari doona curinta mustaqbaleed, iyo ka warhaynta horumarka tiknoolajiyeed ee caalamka.

Shirka Khadiija ee gabadha muslimadda ah ee lagaga hadli doono dhibaatooyinka haysta gabadha Muslimada ah iyo ka caawinta xalkeeda

Barnaamij warbaahineed oo ka hortagaya bacda(cabsida) laga qabo Muslimka, iyadoo la samaynayo aflaam iyo musalsalo ka hadlaya xaqiiqada Islaamka.

W/Q: Abdiqani Haji Ali