Maalintii shalay, Soomaali badan ayaa aad u hadal-haysay dayax-gamceed (satellite) dalka Itoobiya uu samada u diray. In badan oo Soomaalidaa ka mid ahi waxa ay is-tuseen in dalkii ay jaarka ahaayeen horumar weyn oo ballaadhan sameeyey. Sidaa darteed waxa ay bilaabeen falcelinno dhawr ah oo odhanaya;
Itoobiya waa way dhaqaaqday, Soomaalidii waa loo yaabaa, dhawaan Soomaalida dhulkeeda iyo dadkeedaba waa la la wareegi doonaa, oo maanta ayaaย la innoo yaabaa, intii aynnu isku jeednay ayey Itoobiya cirkaa martay, dhawaan waxa xigi doona in Itoobiya ay qunbuldunye (nuclear bomb) sameysato, Somaliland na qaarbaaba lahaa erayga โinnaguna i.w.i.
La yaab ma leh odhaahahani oo Soomaalida fudadydka iyo hubsiimo la’aantu waa u caado. Yeelkeed e, aan isla eegno taariikh kooban oo ku saabsan dayax-gamceedka dalka Shiinaha la ga dhex diray, gaar ahaan gobolka Xinzhou, Shanxi Province ee ku magacaaban dalka Itoobiya. Dayax-gamceedka, waxa hawshiisa si dhab ah loo bilaabay sannadkii 2016. Qiimaha uu ku kacay waa $8 milyan. $6 milyan oo lacagtaa ka mid ah waxa bixiyey dalka Shiinaha, halka labada milyan ee soo hadhay meelo kala duwan la ga soo qaaday oo ay Itoobiya ku jirto.
Shirkadda sameysay ee adeegsatay saynis yahannada shiinaha u badan waxa magaceeda la yidhaa ‘Chinese Academy of Space Technology’ waana shirkad mulkiyaddeeda ay leedahay dawladda Shiinuhu. Dayax-gamceedka kani waa nooca loo yaqaan ‘Observatory Satellite’ waana mid loo gu talo-galay in loo isticmaalo sahaminta farsamada beeraha, cimilada, ilaalinta deegaanka soosaarista khayraadka dhulka ee macdanaha iyo shidaalka.
Sannadkan aynnu ku jirno waxa Afrika la ga diray siddeed dayax-gamceed oo kale. Dalalka Africa ee wakhtigan dayax-gamceedyada diray tiradoodu waa 11 dal, tirada dayax-gamceedyada ay direenna waa 38 xabo. Dhammaan dayax-gamceedyadaa Afrika ku magacaaban mid ka mid ah la ga ma dirin Afrika dhexdeeda, saynisyahannada, shirkadda iyo dalalka sameeyey toona ma aha Afrikaan, lacagta lagu sameeyeyna Afrika la ga ma bixin!
Dalkii ugu horreeyey Afrika ee dayax-gamceed diraa waxa uu ahaa dalka Masar, waxana ay dirtay 1998. Dhammaan dayax-gamceedyadaa 38 xabo ah Itoobiya waxa ay ku leedahay xabbad. Halkaa waxa ka muuqata in Itoobiya iyo Afrika inteeda kale toona aaney horumarka hawada sare waxba ku lahayn. Yeelkeed e, Soomaalidu in ay la tacajabto oo ay arrinta tan aad u la yaabto ma aha wax la qariibsan karo. Waayo halka ay taallo ayaa halkaa aad u ga hoosaysa.
Mohamed O. Hagi Mohamoud