13-03-18, oo ku began maanta oo salaasa ah, Telesom waxa ay noqon doontaa sariflaha ugu wayn Somaliland iyada oo horena u ahayd bangi ganacsi oo ribada ku shaqaysta, iyo maalgashade adeegsada lacagta amaanada ah ee ay dadku u dhiibtaan.
Waxaynu ognahay in dawlada Somaliland ka joojisay sarifka lacagaha qalaad shirkadaha ay ka midka yihiin Dhabshiil, Telesom iyo Omaar.
Hadana waxaad arkaysaa inay dhinaca kale kasoo wareegeen oo ay yidhaahdeen waxaan soo saarnay adeeg cusub oo ah in marka aad wax iibsanayso uu zaadku kuu sahlayo inaad wax ku iibsato Somaliland oo ay iyagu kuu badalayaan tusaale ahaan, hadaad rabto inaad iibsato shay hal dollar ah waxa kuu badalaya zaad oo ku siinaya intii u dhigantay oo Somaliland shillinkiiya. Markaa macnuhu waxa weeyi zaad ku shubo lacag dollar ah kuna badalo Somaliland shillin kuna iibso Somaliland shillin.
*888*xxxx# waxaad doorataa 8. Dara-Salaam, ka dibna 7. Ubedelo Zaad, ka dibna wax ku iibso ama u dir qofka aad rabto!
SAAMAYNTA DHAQAALE EE JAWAABTA TELESOM-ZAAD
Wali waa la dhiganayaa lacagta u dhaxaysa 0 ilaa 99 USD!
1.Inay noqodaan sariflaha ugu wayn Somaliland, iyaga oo meesha ka saari doona sariflayaasha yar yar ee noloshooda kala soo baxda sarifka.
2.In iyagu noqondoonaan cid haysa dollarka ugu badan jaangoyn doonaana sicirka sarifka iyaga oo ku salaynaya hadba sida ay dantu ugu jirto.
Waxaa intaas dheer sarif bararkuna waxba iska badalimaayaan.Iyada oo aan ognahay in sarifka loo diiday shirkaha ay ka midka yihin Telesom, Dahabshiil, iyo Omaar inay sarifaan lacagaha qalaad ee uu dollarku kaw ka yahay.
Dawladuna awood u yeelanmayso inay sarifka wax ka qabato maadaama oo aanay la jeeb ahayn Telesom.
3.Kalsooni daro xaga sarifka ah, qofku wuxuu si joogta ah uga warwaridoonaa isbadbadalka sarifka.
4.Inay gurato dollarka waraaqda ah oo awalba ay haysteen kuna danaysan jireen
5.Inay wali sii wataan daynminta lacagaha amaanada ah ee ay dadku dhigtaan iyaga oo u maraya heshiiska loo yaqaano muraabaxada.
SIDA LOOLA JEEDAY BOQOL DOLLAR WAXA KA YAR YAAN LOO ISTICMAALIN MOBILE MONEY
In gabi ahaanba la joojiyo lacagtaasi inay gacanta ugu jirto shirkadaha bixiya digitka, ka dibna lacagaasi ku jiraan jeebabka dadka marka ay doonaana sariftaan. Tani waxay keeni lahayd in lacagtu suuqa iska dhex wareegto dollar yaraantana wax ka tarto, kordhisana isticmaalka shillinka.
Laakin maanta waxa dhacay taas aan kor ku sheegnay wax ka duwan. Waxa jirtay in Ilaahay(swt) ka xarimay Reer Banu Israaiil inay dabtaan kaluunka maalinta sabtida ah, laakin waxay ogaayeen in kaluunku uu badanyahay maalinta sabtida ah, ka dib waxay is yidhaahden amarka aan qaadano laakin dee wali aan iska sii wadano hawsheena oo shabakadahana aan daadino sabtida laakin kaluunka axada aan doonano isagoo noogu jira shabakadihii!
Sidaasoo kale markii dawladu tidhi lacagtaa kaashka ah ee dollarka iska daaya, waxayba keeneen inay wali kaashkaa gurtaan kana faaiidaystaan dawladana ku yidhaahdaan amarkii waan qaadanay.
DHIBAATADA DHEELI TIR LA`AANTA GANACSIGA
“Woe to the defrauders. Who, when they take the measure (of their dues) from men, take it fully, but when they measure out to others or weigh out for them, they are deficient. Do not think that they shall be raised again, for a mighty day, The day on which men shall stand before the Lord of the worlds?” (Surah al-Muťaffifīn 83:1-6)
Halaag wuxuu u sugnaaday kuwa miisanka aan hagaajin marka ay dadka wax u miisaamayaan, waxa kale iyadna laga fahmi karaa in loo jeedo ganacsi aan isku dheelitirnayn oo dhinac kaliya faaiido u ah.
Tusaale, ahaan lacagaha amaanada ah ee aan dhiganey Zaad waa lagu shaqaystaa faaiido ayey soo saarta lacagtaasi waxaana qaadata Telesom dadkana waxba kuma soo celiyaan. Haduu qof macmiilii dayn u doontana waxay saaraan ugu yaraan 12%, ganacsigana ma dheelitirna. Umada sidaas u dhaqantaana kama baxaan abaaro iyo sicir barar.
IBNI`AANDANKU MARKUU HODANTINIMO ISKU OGAADO WUU QOOQAA
Nay! Verily, man does transgress. Because he considers himself self-sufficient. (Suratul Alaq 96: 6-7)
Shirkadahani markay ogaadeen inay ka hanti badanyihiin dawlada, waxay bilaabeen inay ku ciciyaaraan iyaga oo hawshoodii wata gurnayana dollarka kaashka ah kana faaidaysanaya ayey wali leeyihiin amarkii waan qaadnay tani waa kibir iyo ku dheel dheel dadka masaakiinta ah iyo dawladaba.
Maxamuud Faarax “Ruush”– Aqoonyahan Dhaqaale