Sida Mustafe Cagjar Jecelyahay ! ..W/X:(Rabiile Xaaji Abiib)

Dagaalkii dhacay 1940 ee u dhaxeeyay Talyaani iyo Ingiriis oo qayb ka ahaa dagaalkii II ee dunida, waxan la saftay faashiistaha Talyaaniga, waan ku jabay, Dagaalkii Qaboobaa ee u dhaxeeyay Ruushka iyo Maraykan waxaan la saftay Shuucigii, Jab kale dheh, dagaaladaa jabka badnaa mid kastaa waxa u sobobay dagaal beeleedyo. Dagaal maanta ee dhaqaalaha ee u dhaxeeya Shiinaha iyo Maraykan waxa aan u sii durkayaa dhinaca Shiinaha! Su’aasha aan iswediiyaa waxa ay tahay, aniga dagaalkaygu ma galbeed nacaybaa? Mida kale go’aanka isbedalka aan rabo ma waxa aan ku sargooyaa tabashada siyaasiga ah ee gudaha ka taagan?

Jawaabta ii soo baxday waa maya, haseyeeshee, sida qabiilada kale qorshe cad ka ma lihi dagaalada socda iyo sidii aan anigu u dajisan lahaa Istaraatajiyad ka turjumaysa dantayda, si fiican na u gu xidhan dhinacyada dagaalamaya midkood (Aligned Strategy), si fudud oo aad u fahamto intan, hadalkii dhawaan u ka jeediyay (Sir William Gavinson), magaalada Boorama waxa qayb ka ahayd hadalkiisa ” waxa aan ogahay in dagaalka u dhexeeya Hargaysa iyo Booorama uu yahay sidee ayaan Soomaalilaan u hagaajisanaa”, hadalkan oo macnihiisa fog ahaa Boorama qayb ka ma aha “Kacaanka Buluugga ah” waa aragtida guud ee u muuqata reer galbeedka oo Soomalilaan u arka boqcad reer Galbeed ( Western Bloc).

Waxa ayaandarro ah in Mustafe Cagjar oo ka midho dhalinaya qorshaha reerkiisa ee ku xidhan Shiinaha, ku na lidiga ah reer galbeedku, uu xisaabta ku darsado in aan indho la’aan u raaco sidii aan hore ba u gu raacay labadaa dagaal ee hore ee aan ku jabay. Xaqiiqdu waxa ay tahay in isku gaynta xisaabtaasi qaldantahay. Markasta waxa dadka isku xidhaa waa dan. Madaxweyne waxa aad iibinayso u magac bixi, oo macno u yeel.

 

Xigasho:Rabiile xaaji abiib

Bandhige@gmail.com