Isku-duwaha Wasaaradda Beeraha Ee Gobolka Saaxil Oo Kormeeray Dhul-beereed Waxyeelo Ka Soo Gaadhay Daadadkii Ka Dashay Roobabkii U Dambeeyay

Berbera (WHB) – Isku-duwaha Wasaaradda Beeraha JSL ee Gobolka Saaxil Ismaaciil Cali Cilmi, ayaa Maanta kormeer ku soo maray deegaano ka mid ah gobolka Saaxil.

Isku-duwe Ismaaciil iyo Xubno ka mid ah Hawl-wadeennada Xafiiskiisa, ayaa soo maray deegaannada kala ah Mandheera, Dooxa Guban, Lafo-ruug iyo deegaannada hoos taga ee dhul-beereedka ah.

Isku-duwaha Wasaaradda Beeraha oo fulinaya Waajibaadka ka saaran la socodka Xaaladaha ku soo kordha Beeraha iyo Beeralayda gobolkaasi, ayaa ujeeddada socdaalkiisu ahayd inuu kormeero dhul-beereedka halkaas ku yaalla, si uu u hubiyo Daadadkii ka dhashay Roobabkii u dambeeyay ee halkaa ka da’ay inay waxyeelo gaadhsiiyeen Beeraha deegaannadaasi ku yaalla.

Isku-duwaha oo la kulmay qaar ka mid ah Beeralayda, si uu uga waraysto xaaladaha Beerahooda iyo in waxyeelo ka soo gaadhay Daadadka Roobabkii u dambeeyay ee halkaasi maray, ayaa diwaangeliyey xogihii arrintaasi la xidhiidhay ee ay uga warrameen Beeralaydu, soona arkay dhul-beereed daadadku waxyeeleen.

Isku-duwaha, ayaa xogta uu deegaanadaa ka soo ururiyey u gudbinaya Masuuliyiinta Wasaaradda Beeraha ee uu ugu horreeyo Wasiir Cabdiqaadir Iman Warsame, si looga shaqeeyo inaan mar kale waxyeelo soo gaadhin Dhul-beereedkaasi, waxna looga qabto khasaarahaa hore.

Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland, ayaa hawlaha ugu muhiimsan ee ay qabato waxa ka mid ah inay Beeraha ka xidho dooxyada ku soo faafa, iyadoo u samaysa Gabyano xamil u leh difaaca daadadka xawliga ku socda, si looga gaashaanto inaan daadadku qaadin Saraca ku beeran, dhulka laftiisuna aanu biyo-mareen u noqonin.
……………………..

Xafiiska Warbaahinta Ee Wasaaradda H. Beeraha JSL.

Bandhige@gmail.com