Waftiga Wasaaradda Waxbarasha iyo sayniska ee uu hogaaminayo wasiirka waxbarashadda oo socdaal shaqo ku jooga dalka Kenya…

Waftiga ayaa la kulmay Hayada Dalka Jarmalka u qaabilsan iskaashiga caalamiga ah oo magaceeda loo soo gaabiyo GIZ oo Somaliland ka taageerta waxbarashadda farsamadda gacanta oo hadda balaadhin iyo.cusboonaysiin ah ka wada Dugsiga Sare ee Farsamadda Gacanta.

Waftiga Wasaaradda Waxbarashadda iyo Hayadda GIZ ayaa ka wada hadlay sidii dugsiyada farsamadda gacanta loogu fidin lahaa degmooyinka kale ee dalka, iyo in mustaqbalka Jaamacadda Farsamadda laga hirgeliyo Somaliland.

Sidoo kale waftiga wasaarada waxbarashada Somaliland ayaa la kulmay Hayadda Caalamiga ah ee Badbaadada Caruurta Save the Children International oo Wasaaradda Waxbarashadda ee Somaliland kula jirta heshiis ay hayaddaasi ku fulinayso mashruuca Horumarinta Cilmiga iyo mashruuca Iskaashiga Waxbarashadda Carro Edeg oo loo soo gaabiyo GPE.

Halkaasoo labaddaa mashruuc ay shanta sanadood ee soo socda waxbarashadda Somaliland ku maalgelin doonaan ilaa kontan milyan oo doolar ($50,000,000).