Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland ayaa ansixiyay Ajandaha Kalfadhiga 83-aad…

Fadhigii saaka ee golaha guurtida JSL, oo u shir guddoominayay guddoomiyaha golahaasi Mudane, Maxamuud Aadan, ayaa Mudanayaasha Golahaasi waxay cod gacan taag ah ku meelmariyeen ajandahooda Kalfadhiga 83-aad, waxaanu guddoomiyuhu codaynta kadib uu si rasmi ah ugu dhawaaqey natiijada uu ku ansaxay ajandahoodaasi.

Waxa ogolaadey 45 Xildhibaan, waxaa Diidey 4 Mudane, 2 Mudane ayaa ka aamuusay guddoomiyuhu muucodayn, sidaasi ayuu ku ansaxay ajandaha Kalfadhiga 83-aad ee golaha guurtidu.

Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Guurtida Somaliland Mudane Siciid Jamac Cali, ayaa Mudanayaasha Golahaas ka hor akhriyey qoddobo mudanayaashu wax ka baddel iyo kaabis ku sameeyeen oo ajandahooda ku jira, kadib markii mudanayaashu dood ka yeesheen ajandahoodasai, waxaana ka mid ahaa wax ka qabashadda arrinta sicir bararka dalka ka taagan iyo sidii wax looga qaban lahaa adka soogalootiga tirada badan waddanka ku sugan.

Gaba-gabadii guddoomiyaha ayaa mudanayaasha faray inay soo dadaalan inta lagu guda jiro waajibka shaqo ee golaha.