Munaasibad lagu maamuusayey Xasan Maxamed Xoore (Xassan Xoog) oo ka mid ahaa ciyartoygii hore ee dalka ayaa lagu qabtey garoonka Tima-cadde ee magaladda Hargeysa.

Xafladdaasi oo ay si wado jir ah uga soo qaybgaleen masuuliyiinka ka socotey Bahda Ciyaaraha Kubadda koleyga, Masuuliyiinka ka socotey wasaaradda dhalinyaradda iyo Ciyaraha Somaliland, xubno ka mid ahaa Qurbe-joogta iyo qaar ka mid ahaa dhalinyaradda ku nool.

Guddoomiyaha Olombikadda Somaliland Mustafe Cabdi Xaddi, oo xafladdaasi hadal kooban ka jeediyey ayaa ka waramayey taariikhdii Dheereyd ee Xassan Maxamed Xoore (xassan Xoog) ku lahaa kubadda koleyga iyo Dhiirigalinta xilgan uu la barbar taagan yahay Dhalinyarada Dalka.

Dhinaca kalena, Xubnoo ka mid ahaa qurbo joogta Dalka ayaa ku bogaadiyey Xassan Maxamed (Xassan Xoog) taageeradiisa iyo waayo aragnimadiisa uu ugu faaiideynaayo dhalinyaradda wadanka ee kubadda koleyga ciyaarta,isla markaasina uu dhalinyaradda wadanka ugu dhiirigalinaayo isdhexgalkooda oo uu uga wecyigalinaayo arrimaha qabyaaladda iyo Balwadaha kala duwanba.