Wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha JSL, oo ay weheliyaan badhasaabka gobolka Awdal iyo masuuliyiin kale ayaa magaalada Borama ka daah furay tartanka ciyaaraha kubada cagta ee gobolka awdal.

Isu duwaha wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha ee gobolka awdal Xasan Siciid oo ka hadlay halkaasi ayaa sheegay in garoonka Xaaji Daahir ee magaalada borama ay ku samaysay wasaaradu dayac tir islamarkaa loo diyaariyay in lagu qabto tartanka oo maalinta beri ah si rasmi ah u furmi doona.

Badhasaabka gobolka awdal Xasan Xaddi iyo maayirka magaalada borama Maxamed Axmed Warsame ayaa dhankooda balan qaaday in doorkooda ay qaadan doonaan wax kasta oo tartankaasi kaga soo hagaaga iyagoo dhalinyarada ugu baaqay in ay si hufnaan ah uga qeyb qaataan taratanka mudada uu socdo.

Gabagabdii wasiira wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland Cabdi Xakiim Xirsi Jaamac oo ka hadlay halkaasi ayaa soo dhaweeyay tartanka loo qabanayo dhaliyada ku dhaqan gobolka awdal isagoo tilmaamay in ciyaaruhu ay yihiin awooda lagula dagaalamo mukhaadaraadka iyo qabyaalada , waxaanu dhalinyarad aku booriyay in si wanaagsan ay uga qeyb qaataan tartanka islamarkaa dhankooda ay ka ilaaliyaan amaanka .