Wasaaraddda Beeraha ayaa Magaalada Hargeysa Ku Qabatay Shir Ku Saabsan Caqabadaha Iyo Fursadaha Wax Soo-saarka Beeraha Somaliland

Kulankan oo soconaya muddo laba Maalmood ah, ayaa waxa soo qaban-qaabiyey Wasaaradda Beeraha oo taageero ka helaysa Mashruuca Barwaaqo ee ay kala shaqayso Baanka Adduunka, waxaana furay Wasiirka wasaaradda Horumarinta Beeraha Eng. Cabdiqaadir Iimaan Warsame, kaas oo tafaasiil ka bixieyey ujeeddada Shirka loo qabtay iyo dedaallada ay Wasaaradda Beeruhu ugu jirto sidii Somaliland isku filaansho uga gaadhi lahayd dhanka Cuntada.

Shirkan oo mudada uu soconayo lagu lafo-gurayo Caqabadaha iyo Fursadaha Wax soo-saarka Beeraha, ayaa waxa kale oo ka hadlay Wasiirrada Wasaaradaha Warfaafinta, Diinta iyo Awaafta, Horumarinta Reer Miyiga, Wasiir ku-xigeenka Beeraha, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Beeraha, dhamaantoodna waxay ka warrameen sida ay muhiimka u tahay in gacmaha la isku qabsado sidii dalku u gaadhi lahaa isku filaansho dhanka Cuntada ah.

Waxa xusid mudan in shirka ay ka qayb-galeen Madax ka socotay Safaaradda Taiwan ee Somaliland iyo qaar ka mid ah Iskaashatooyinka Beeraha dalka, kuwaasi oo shirkan aad u soo dhaweeyay