Ciidanka Dabdemiska Berbera ayaa ku guuleystay dab weyn oo ka kacay …..

Ciidanka Dabdemiska Berbera ayaa ku guuleystay dab weyn oo ka kacay Gaadhi Wiisha Degmada Burco sheekh ee Xaafadaha Shacabka.

Ciidamada Dabdemiska ayaa ku guuleystay daminta dabkaas oo laxaadkiisu weynaa, isla markaana xaafadaas ay ku yaalaan Haamaha Shidaalka Unigas halisna ugu jiray inuu dabku soo gaadho kuna fido.

Gaadhi Wiisha ayaa dabku Qabsaday, kaasi oo laga shaqeynaayay Sidoo kale ciidanka ayaa dabkaas ka nabadgelyeeyay Wiishashkii kale ee ka ag dhawaa.

Badhasaabka Gobolka saaxil iyo Ciidanka Booliska,Shaqaalaha Dp world qeybta Dabdemiska ayaa hawlgalkaa kala qayb qaatay Ciidamada Dabdemiska.

Muwaadin soo wac 990 lambarka gurmadka degdega ah 24 kaa saacadood shirkadaha Telesom/ Somtel.