Xildhibaan Khadar Cali Xakiin Oo Kulan La Yeeshay Mudane Ka Tirsan Baarlamanka UK

LONDON – Xildhibaan Khadar Cali Xakiin, oo ka tirsan golaha Wakiiladda JSL ayaa kullan la yeeshay xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka dalka Ingiriiska.

Xildhibaan Khadar Cali Xakiin, oo safar shaqo ku jooga dalka UK, ayaa mudanahan ka tirsan baarlamaanka Ingiriiska ee uu la kulmay waxa uu kala hadlay arrimo ku saabsan qadiyadda aqoonsiga Somaliland.

Kulankaasi oo ka qabsoomay magaaladda Shefeild, ayaa xildhibaan Khadar Cali Xakiin, waxa uu mudanahan ka tirsan baarlamaanka UK, uga mahad celiyay sida uu u garab taagan yahay qadiyadda aqoonsi raadinta JSL.

Waxaanu sheegay Khadar Cali Xakiin, in mudanahani uu ahaa xildhibaankii u horeeyay ee aqoonsigii golaha Deegaanka Shefeild, u gudbiyay, isla markaana uu si weyn uga soo shaqeeyay hawshaasi.

Xildhibaan Khadar Cali Xakiin, waxa uu tilmaamay in kulankaasi ay mudanahan isku la soo qaadeen sidii uu u sii wadi lahaa dedaalka uu ugu jiro hawsha aqoonsi raadinta Somaliland.