Wasiirka Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha,Ayaa Xalay casho sharaf Ku maamuusay Haldoorka Dhallinyaradda G.Awdal.

Wasiirka Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha JSL. Abdirahim Hersi Jama Dhooble Ayaa caawa casho sharaf Ku maamuusay Haldoorka Dhallinyaradda G.Awdal.

Munaasibadan ayaa sidoo kale waxaa kasoo qaybgalay, gudoomiyaha xidhiidhka kubadda cagta Fuaad Axmed Cali, xoghayaha gobolka Awdal mustafe Cabdi Axmed,Agaasimaha Waaxda Qorshaynta Nimco Xariir Cabdillaahi, Agaasimaha Waaxda IT-ga & Saxaafadda Xusri Khadar Aw-Dahir, Isuduwayaasha Gobolka Awdal iyo Haldoorka Dhallinyaradda gobolka Awdal.

Ugu horayn waxaa halkaasi ka hadlay Isuduwaha WDH&C Xasan Siciid Guuleed oo runtii uga mahadnaqay wasiirka sida quruxda badan ee uu umaamuusay dhallinyaradda gobolka awdal,iyaga oo runtii ku bogaadiyey inuu yahay wasiir la dareen ah dhalinyaradda gobolka awdal.

 

Isuduwaha Wasaaradda horumarinta beeraha ee gobolka awdal nimco maxamed aadan oo ku hadlaysey afka haweenka gobolka awdal ayaa bogaadin usoo jeedisay sida quruxda badan ee uu wasiirku ugu dhiiraday inuu la kulmo haldoorka gobolka awdal, waxaana sidoo kale tilmaamtay inay sharaf wayn uhayaan wasiirka oo mudan in la garab istaago, si haweenka gobolku uhelaan sports fiican oo caafimaadkooda wax badan katara.

 

Xoghayaha gobolka Awdal Mustafe Cabdi axmed ayaa isna tilmaamay inay madashani tahay jaanis aad uwayn oo markii ugu horaysey ay helaan aqoonyahanka gobolku, maadaama ay la kulmeen wasiirka WDH&C oo ah wasiir ka masuul ah dhallinyaradda dalka oo gaadhaya 72%, waxaana aan hubaa inuu yahay wasiir udiyaara inuu si dhaw ula shaqeeyo dhallinyaradda, inagana waajib inagu ah inaynu garab istaagno oo ku dhiirigelino horumarkaasi uu wado.

Wasiirka Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha JSL. Abdirahim Hersi Jama Dhooble oo gebagabadii munasibadaasi ka hadlay ayaa sheegay in casho sharaftani ku saabsanayd isbarasho iyo isxaalwaraysi, maadaama aanu nahay cidda ka masuulka ka ah dhallinyaradda somaliland, runtii ka wasaarad ahaan waxaa naga diyaara markasta inaanu kor uqaadno labada qaybood ee wasaaraddu ka kooban tahay, iyada oo aanu garab ka helayno gobol kasta dhallinyaradda joogta, waxaana gobolka awdal gaar ahaan lagu xantaa inuu yahay gobolkii xadaaradda iyo aqoonta, kana turjumaysa inay diyaar uyihiin inay gobolkooda qurxistaan.