Siday isku barteen Cigaal iyo Riyaale? W/Q: Cali Cabdi Coomay

= Markii ay soo dhawaatay doorashadii madaxtooyada ee 1997, ee madaxweyne Cigaal ‘AHN’ go’aansaday inuu beddelo madaxweyne ku xigeenkiisii Cabdiraxaan Aw Cali. Wuxuu u yeeshay Cilmi Kabaal oo taliyaha ciidanka booliska ahaa iyo Shide-Yare oo ahaa ganacsade, wuxuu ku yidhi ii keena nin aan madaxweyne ku xigeen ka dhigto.

Shide-Yare iyo Daahir Riyaale ayaa wada lahaa shirkad qaad oo markaasi ka kacday. Daahir Riyaale wuxuu saaxiibkii wakhtigaasi u sheegay inuu shaqo u soo raadiyo, gaar ahaan taliyaha booliska gobolka Awdal. Sidii ayaa Daahir Riyaale loo keenay madaxtooyada oo uu Cigaal kula kulmay. Toddobaad dhan ayuu Riyaale madaxtooyada ku soo noqnoqnayey oo aanu ka cadhoon kulan la’aanta Cigaal oo uu samir iyo dulqaad muujiyey. Sidaasi ayuu Cigaal ugu qancay Riyaale kuna noqday madaxweyne ku xigeen.

 

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

Calicoomay@gmail.com

 

Tixraac: Maxamed Baaruud Cali…..Weerane (20023)… boggaga.167-168.