Isku-beddelkii Cigaal ee Saraakiishii SNM iyo Saraakiishii Faqashta W/Q: Cali Cabdi Coomay

=Sannadkii 1997-kii ee madaxweyne Cigaal ‘AHN’ uu soo dhisay xukuumaddiisii labaad, wuxuu ka takhaluusay saraakiishii SNM ee ku badnayd xukuumaddii hore ee 1993.

= Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax waxa lagu beddelay Daahir Riyaale Kaahin oo ahaa sarkaal ka tirsanaa NSS-tii Siyaad Barre. Muuse Biixi Cabdi waxa lagu beddelay Cabdillaahi Cadde oo ahaa sarkaal ka tirsanaa Hangashtii Siyaad Barre. Dayib Guray waxa lagu beddelay Jaamac Khayre oo booliskii Siyaad Barre ka mid ahaa. Cabdillaahi Cige Obsiiye waxa lagu beddelay Cali Warancadde oo ahaa sarkaal NSS-tii Siyaad Barre ka tirsanaa. Yuusuf Jaamac Buraale waxa lagu beddelay Rashiid Sheekh Aadan oo ahaa sarkaal NSS-tii ka tirsanaa. Maxamed Xaashi Cilmi waxa lagu beddelay Axmed Dheere oo ahaa sarkaal ka tirsanaa NSS-tii Siyaad Barre.

 

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

Calicoomay@gmail.com

 

Tixraac: Maxamed Baaruud Cali…….Weerane (2023)…Boggaga….169…170.