Siddeed Dhacdooyin Waaweyn Oo Dunida Ka dhacay Bisha Ramadaan (WT: Mukhtaar Xassan Axmed)

Laga soo bilaabo soo dagitaanki Quraanka, bisha Ramadaan waxay astaan ​​u ahayd bil dhacdooyin iyo taariikho muhiim ah leh.

Hadaba Waxaan halkan idin kula wadaagaynaa dhawr dhacdo oo waawayn oo bishani gaar la tahay:

  1. Qur’aanka ayaa la soo dejiyey.

Sida uu EEBE(SWT) ku sheegay Suuradda Al-Baqarah, Ramadaantu waa bisha la soo dejiyey Qur’aanka kariimka ah, sida ku xusan Aayadan Qur’aanka ah  “Bisha Ramadaan waa tan loo soo dejiyey Qur’aanka…

  1. Dagaalkii Badar Guulbay Ka Gaadheen Islaamku.

Dagaalkii Badar wuxuu dhacay 17-kii Ramadaan sanadkii labaad ee Hijriga kaasoo ay muslimiintu guul wayn gaadheen.  Tani waxay ahayd mucjiso layaab leh oo Eebe (SWT) ku saaciday mu’miniinta kumanaan Malaa’ig ah oo ka dhan ah kuwii silcin jiray muslimiinta sanado badan.

  1. Makkah Ayey Muslimiintu Qabsadeen.

Bishii Ramadan 18-eedii sanadkii siddeedaad ee Hijrada, Nebi Muhamed(SCW) wuxuu la yimid ciidan dhan oo 10,000 kun ah si ay ula wareegaan Magaalada Makka taasoo keentay inay si nabad ah ula wareegaan magaaladii barakaysnayd ee Makka.  Guushani waxay dhabada u xaadhay Soo afjaridi caabudida sanamyada iyo jaahiliyada ee Jasiiradda Carbeed Iyagoo kusoo noqday Caabudida EEBE (SWT).

  1. Khadija ayaa dhimatay.

Xaaskii nebi Muhamed (SCW) ee uu aadka u jeclaa ee ay wada noolaayeen labaatan sano iyo in ka badan ayaa si murugo leh u dhimatay Sannaddii tobnaad ka dib nabinimadii Muhamed (SCW) Bil Ramadaan, Tani waxay si weyn u saamaysay noloshii Nabiga Muhamed (SCW) waxaan Sanadkaa loogu magacdaray Caamul Xusni”Sanadkii murugada”.

  1. Cali Ibnu Abii Daalib ayaa la dilay.

Khaliifkii Afraad ee Islaamka ahna inaadeerkii Nebi Muhammed (SCW) ayaa si xun loogu dilay 17-kii Ramadaan ee sanadka 40 ee Hijrada magaalada Kufah.

  1. Dadkii reer Taif waxay qaateen diinta Islaamka.

Sannadkii 9-aad ee Hijrada bisha barakeysan ee Ramadaan, Qabiilka Thaqeef oo ka yimid magaalada Taif ayaa aqbalay oo qaatay diinta Islaamka ka dib labaatan Sanno oo nacayb ay u hayeen Nabi Muhamed (SCW) iyo diinta Islaamka.

  1. Saalaxudeen wuxuu ka adkaaday Ciidamadii Kiristanka ee Crusades.

Bishii Ramadaan ee Sanadkii 1187 CE, Saalaxudeen wuxuu madaxa ka guray  oo ka adkaaday Ciidamadi Kiristanka ee crusades dagaalkii Hattin. Dagaalkani wuxuu soo gabagabeeyay Halgankii iyo dagaaladii kiristanku kula jiray Muslinka, waxa kale oo fudaydiyey dib ula soo noqoshadii dhulkii barakaysnaa Qudus ee Salaxudiin uu qabsadey .

  1. Mongolkii waa laga adkaaday.

Maadaama Mongolku ay qabsadeen dhul aad u balaadhan oo ay ku dhinteen dad ka badan malaayiin muslimiin ahi, Mamluk Sultan Qutuz ee reer Masar  waxay garawsadeen inay ka hortagaan oo dhibta ka qabtaan dadkaa muslimiinta ee ciidamadii Mongolku gumaadeen Hadaba, maalintii 15-aad ee Ramadaan sanadkii 658 ee Hijriyada Sultan Qutuz wuxuu ku hogaamiyay muslimiinta dagaal ka dhan ah Mongoliyiinta oo ka dhacay Springs of Goliath (Ain-Jalut) taasoo noqotey guuldaradii ugu horeysay ee Mongolku la kulmaan, mar kale waxa lagaga adkaaday Mongolka Dagaalkii Shaqab kaasoo isna dhacay bishii Ramadaan sanadkii 702 Hijriyada.

 

W/T: Muktar Hassan Ahmed

Hargiesa, Somaliland

Ramadan 19