Waa aynnu sheegnay in Daniel Goleman uu qabo in fariidnimada dareenku ay tahay xirfad iyo xeelado la baran karo, nolosha iyo waayahana la kora. In qofku uu wanaajiyo, isla markaana horumariyo garaadkiisa caadifadeedna ay ka caawinayso ka faaโidaysiga fursadaha guusha ee ka soo maraya dhinacyada kala duwan ee nolosha.
Sida uu ku sheegay buuggiisa “๐๐ฆ๐จ๐ญ๐ข๐จ๐ง๐๐ฅ ๐๐ง๐ญ๐๐ฅ๐ฅ๐ข๐ ๐๐ง๐๐: Why it can mater more than IQ, Daniel Goleman waxa uu qabaa in tallaabooyinkan hoos ku qorani ay ka mid yihiin siyaabaha uu qofku u xoojin karo garaadkiisa caadifadeed ama fariidnimadiisa dareenka.
1. Waa in aad markasta ku baraarugsanaataa dareenkaaga, isla markaana barato waxyaabaha kiciya dareenkaaga ama cadho geliya. Taasi waxa ay kaa caawinaysaa in aad ka taxaddarto, iyo in marka ay ku soo maraan aad ku baraarugsanaanto xakamaynta dareenkaaga.
2. Isbar, naftaadana ku tababaro xeeladaha aad si caafimaad qabta ugula tacaali karto dareennada qallafsan ee ku soo waajaha, ama cid kale kaaga yimaadda.
3. Baro la dareen noqoshada dadka, dadka qof kasta dhinac ayaa uu wax ka eegaa, sidaas awgeed xilliga doodda ama falanqaynta aad la leedahay dadka kale, ku dadaal in dhinaca aad ka eegaysaa uu kuu cad yahay, isla markaana is gee ama is dhig dhinaca ay cidda kalana ka eegayso.
4. Joogtee dhegeysi, naftana ku tababar in ay si fiican wax u dhegeysan karto, isla markaana horumari tabaha iyo hannaanka aad u samayso xidhiidhka iyo war isgaadhsiinta bulshada idin dhex maraya.
Buugga (๐๐ฆ๐จ๐ญ๐ข๐จ๐ง๐๐ฅ ๐๐ง๐ญ๐๐ฅ๐ฅ๐ข๐ ๐๐ง๐๐) waxa uu soo bandhigayaa casharro muhiim u ah qof kasta oo xiisaynaya kobcinta dareenkiisa caadifiga ah, kuwaas oo qaar ka mid ah aynnu soo qaadan doonno.
1. Fal, hadal ama dareen kasta oo kaaga yimaadda qofka aad la macaamilayso, maskaxdaadu laba dareen midkood ayuun baa ay ku qaabishaa. Waa
– Maangal /Caqli (Rational), iyo
– Qiiro / Caadifad (Emotional)
Labadaas midkooda aad hadba ku eegto ama ku akhrido hadalka iyo falka qofka, ayaa jaangoynaya dareenka aad ka qaadanayso qofkaas, jawaabta aad siinayso, ama goโaanka aad ka qaadanayno. Tusaale ahaan marka uu qof kuu sheego in uu shaqo ku siinayo, waxa ay maskaxdu ku eegaysaa dareen maangal (Maskaxeed) oo ah in ay is weydiiso, nooca shaqada, in ay isbarbar dhigto dhibta iyo dheefta shaqadaas, muddada shaqada, in ay tahay shaqo nooca aad jeclayd ah, iwm. ama in aynnu markaba qiiro iyo xiise ku qaabilno oo si caadifad leh fiirsasho laโaan u aqbalno soo jeedintaas. Shaqadaas in aad fiiro laโaan aqabasho iyo in aad ka baaraan degtaa waxa uu ku xidhan yahay hadba labadaas dareen midka aad ku eegto
Waxaa la aaminsanyahay in sida ugu fiican ama fariidnimada caadifadeed (Emotional Intelligence) ay tahay in aynnu labadan dareen isku ladhno, taas oo ah hab lagu tababari karo nafta.
Si kastaba ha ahaato ee Goleman waxa uu ku doodayaa, marka dufuufaha dunida maanta la eego, in garaadka caadifiga ahi uu muhiimad gaar ah leeyahay, maadaama oo mar kasta aad la macaamilayso dad kala duwan, dareenno kakanna aad joogto ula kulmayso.
Maskax badnaantu (IQ) sida aad mooddo uma sii aha muhiim?
W/Turjumay: Kamaal Marjaan
Bandhige@gmail.com