Dhibaatada kufisigu k uleedahay haweenka gaar ahaan gabdhaha da’doodu yar tahay waa mid inta badan ku keena khatar caafimaad darro dhanka maskaxda iyo mid jidh ahaaneedba.
Horumarka bulshada waxaa qayb muhiim ah ka qaata haweenka, doorka haweenku ay ku leeyihiin kobcinta iyo kor u qaadida arrimaha horumarineed ee bulshadu waa kaalin wax ku ool ah, inta badan waxa jira falal lagula kaco haweenka gaar ahaan waqtiga ay gabadhu ku jirto da’da 15-20 jir, waxa marar badan dhacda in da’ intaasi ka yar lagula kaco falal arxan darro ku ah gabadha, iyadoo la dareensan yahay dhibka ka dhalan kara iyo khatarta caafimaad ee ku iman karta gabadha.
Tacadiyada ka dhanka ah haweenka ku nool Somaliland waxa ugu badan, kufsiga, gudniinka, jidh-dilka ama garaacista iyo iyadoo deegaanada qaarna gabdhaha aanay helin xaqeed waxbarasho oo la mid ah ta wiilasha oo iyagan inta badan hawsha guriga loo diro ama muhiimada gaar ah aan la siin.
Inta badan waxa waddankeena ka dhex dhaca oo inagu soo noqnoqda kufisga iyadoo ay falalkaasi ka jiraaan gobollo badan oo ka mid ah Somaliland, sida kufsi wadareedyo lagula kacaayo haweenka gaar ahaan gabdhaha yar yar waqtiyo kal duwan.
Dhibaatada ka dhalan karta kufisiga saamayna ku yeelan karta gabdhaha waxa kamid ah khatar caafimaad darro oo jidhkeeda soo gaadho iyo mid maskax ahaaneedba.
Dhibka ka dhalan kara khataraha kufsiga waxa lagaga hortagi karaa, inaynu raacno tallaabooyinkan.
- In qofkii ku kaca falalka kufsiga ah markhaatina loo hayo, waajibkiisu noqdo ciqaab xadhig muddo 2 sanno ah iyo ganaax lacageed oo aanu awood u lahayn in uu iska bixiyo. Waxa ku adkaaneysa in aanu dib falkan ugu noqon kuwo kale oo maleegayana ay dib uga joogsadaan, si aanay ciqaabtan oo kale ugu dhicin.
- In dawladda gaar ahaan laamaha amnigu ay ku sameeyaan marinnada xaafadaha dhexdooda laydhadh, kuwaas oo keeni kara badbaadada gabadha waqti kasta oo habeennimo ah.
- In bulshada laga dhaadhiciyo khatarta caafimaad ee ka dhalan karta kufsiga iyo saameynta uu ku yeelan karo caafimaadka maskaxda gabadha.
- Xeerarka odayaasha dhaqanku adeegsadaan ee dhammaan taageeraya qofka dhibta kufsiga gaystay laga reebo dacwadaha kufsiga.
- In bulshadu taageero ololaha ka dhanka joojinta tacadiyada ka dhanka ah jinsiga oo uu kufsiguna ku jiro.
- In kor loo qaado daryeelka haweenka iyo gabdhaha si loo helo bulsho ka badqabta dhammaanba dhibaatooyinka nafsiyeed, caafimaad, jidh ahaaneed ee ay keenaan tacadiyada ka dhanka haweenka.
Qodobadan iyo qaabab kale oo badan waxa lagu badbaadin karaa caafimaadka haweenka, illaalinta iyo daryeellida haweenka, iyadoo ay ku xidhantahay horumarka bulshada iyo waddanku.
Warda Cabdirahman
Somaliland Y-PEER