Guddoomiyaha Kulmiye waxa uu hambalyo u diray dawladda Jabuuti maalinta xornimada awgeed

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Afhayeenka Kulmiye ayaa waxa lagu shaaciyey in hambalyada Guddoomiyaha Kulmiye, isla markaana ah Musharaxa Madaxweyne ee xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi u diray dawladda Jabuuti munaasibada maalinta xornimada Jabuuti ee ka qaadatay dalka Faransiiska.

War-saxaafadeedkaasina waxa uu u dhignaa sida tan:

War-saxaafadeed

UJEEDDO: Hambalyada Guddoomiya Kulmiye ee maalinta xornimada Jabuuti

Guddoomiyaha xisbal-xaakimka Somaliland ee Kulmiye, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga Muuse Biixi Cabdi, isaga oo ku hadlaya magaciisa iyo magaca hayโ€™adaha xisbiga ee kala duwan waxa uu ku hambalyeynayaa Madaxweynaha, dawladda iyo shacabka dalka Jabuuti 39 guurada ka soo wareegtay maalinta xornimadooda ay qaateen Faransiiska 27 June 1977.

Guddoomiyuhu waxa uu ku bogaadinayaa dawladda iyo shacabka reer Jabuuti guusha ballaadhan ee dhanka horumarka ay ka gaadheen muddada ka soo wareegay intii ay xorta ahaayeen.

Guddoomiyuhu waxa uu tilmaamay in guud ahaan ummadda Somaliland oo iyaguna ku guda jira xuska sannad-guurada 56 aad ee ka soo wareegtay maalinta xornimadooda 26-kii June 1960 ay sidoo kale la wadaagayaan walaalahooda Jabuuti farxadda xornimada, maadaama labada dawladood iyo shacab ee walaalaha ah uu ka dhexeeyo xidhiidh qoto dheer oo walaalnimo.

Ugu dambayntii, Guddoomiyuhu waxa uu u rajeynyaa dawladda iyo ummadda reer Jabuuti inay sannadka, sannadkiisa ku gaadhaan guul iyo barwaaqo.

ย 

ALLAA MAHAD LEH.

ย 

ย 

Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi)

_________________________________

Af-hayeenka Xisbiga KULMIYE

Email: kulmiyemanager@gmail.com