Israa’iil iyo Turkiga waxay dib u soo celiyeeen xidhiidhkoodii

Israa’iil iyo Turkiga ayaa wada galeen heshiis dib loogu soo celinayo xidhiidhka labada dal.

Raysal-wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahi ayaa axaddii kadib kulan uu la yeeshay xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka sheegay in ay heshiiskani yahay tallaabo muhiim, waxaanu yidhi:

“Waa tallaabo muhiim ah in xidhiidhka dib loos oo celiyo.”

Sannadkii 2010-kii ayuu burburay xidhiidhka u dhaxeey labada dal, kadib markii Israa’iil ay faro-gelin ku sameysay markab Turkish ah oo gargaar u siday Gaza, xiligaas oo ay saarnyed xanibaad ay kusoo rogtay Israa’iill.

10 qof oo Turkish ah ayaa lagu dilay weerar ay ciidamada Israa’iil ku qaadeen markabka.

Sarkaal sare oo Israa’iil ah ayaa sheegay in heshiiska uu qeyb ka yahay in Israa’iil ay cudur daar ka bixisay weerarka, islamarkaana ogolaatay 20 milyan oo dollar oo magdhow ahaan loo siinayo ehellada dadkii ku dhintay weerarka iyo kuwa ku dhaawacmay.

Waxaa sidoo kale heshiiska qeyb ka ah in labada dal ay dib usoo celiyaan safiiradooda.

Sarkaal sare oo Turkish ah ayaa isna sheegay in heshiiska ay qeyb ka tahay in Turki loo ogolaado in ay gargaar geyso Gaza, islamarkaana ka fuliso mashruuc ay guryo iyo isbitaallo ugu dhiseyso.

Waxaa sidoo kale heshiiska uu wax ka qaban doonaa koronto iyo biyo yarida ka jirta Gaza.

bandhige@gmail.com