Sidee madaxnimo ama kursi lagu helaa? (WQ: Nuur Xaaji Xiiray)

Maalinbaa anoo wado socda, nin dhalinyar ah oo calooshu soo baxday, qaarkale ku leeyahay waar miyaanan agaasimeh u ekayn, markaas ayay ku yidhaahdeen, mayee waad u eegtahay, anoo wadada maraayay ayaa u jawaabay oo ku idhi waligaa agaasimeh noqon maysid illaa aad kaba qaad noqoto. Iyaga oo yaaban ayay isoo eegeen.

Hadaba madaxnimadan iyo kursi raadintan dad badan ayay kabihii ka kulaylasay, markaa miyaanay mudnayn in la baadho sidii lagu heli lahaa si qofkii doonayaaba u gaadho hamigaa.

Horta laba rayi ayaa jira mid waa kaa diinteenu inoo sheegtay waana ka dhabta ah ee aan aaminsanahay, inay wax walba qadar ku socdaan, Rasuulkuna SCW mar uu ka hadlaayay  risiqa wuxu ina faray inaynu dariiqa aynu ku raadinayno wanaajino uun, madaxtinimaduna waa sidaas oo kale hadii hunguri kaa hayo dariiqa aad u marayso wanaaji hadii lagu qadaray waad heli eh.

Ka labaad  waxa weeyi, horta caalamka meelwalba cisaabo isku xidhan ama shabakad isku xidhan ayaa maamusha, laga bilaabo urur ama wadan. Markaa hadii aad kursi doonaysid ama aad madaxnimo rabtid, urin maysid kana ag dhawaan maysid illaa aad cisaabadaa ama shabakadaa  aad kabo qaad u noqoto.

Markaa kuwan aad arkaysaan oo dhan ee aad u haysataan inay xiniinyahooda halkaa ku gaadheen, horta way u qornayd inay halkaa gaadhaan, laakiin dariiqii ay u marayeen ayay iska xumeeyeen oo kabo qaad  u noqdeen cisaabadaa ama shabakadaa laynagu dhex beeray, ha u qaadanina inay xiniinyahooda  halkaa ku gaadheen, soomalida ayaa hore u tidhi xiniinyahaagu maaha kuwa kugu yaal, ee laakiin waa kuwa lagula agtaaganyahay, maahmaahdaasi waa dhab.

Baribaa nin siyaasi ah oon la kulanay nagu yidhi maydun noqon think tank ama si kale u dhigoo kaba qaad, kolay anigu kamaan mid noqon, laakiin nimakii aan aqaanay waa la wada meeleeyay, midwalba si loo meeleeyayba, markaa waxay ila tahay inay kaba qaadka iska aqbaleen.  Barigaan maqaalada bilaabay ayay is yidhaahdeen malaha way ka soo dhacday ninkii, oo inu kaaba qaad noqdo ayuu doonayaa, markaas ayay email igula soo xidhiidheen waxaan ugu jawaaba maqaal aan qoray oon idhi Goorma ayaa umad la hogaamin karaa ?

Markaa kuwan hunguraynaya kuraasta, dee labadaa dariiq kay doonaan ha maraan ama kabo qaad ha noqdaan ama dariiq wanaagsan ha ku raadiyaan eh way la kulmi waxay raadinayeen, hadii uu qadrnaa eh.

Nur Xaaji Xiiray

nur.hersi21@gmail.com

Hoos ka akhriso qaar ka mid ah maqaalladii ugu dambeeyey ee Nuur Xaaji:

http://bandhige.com/yaa-maanta-soomali-ugu-liita-ama-ugu-ayaan-daran-wq-nuur-xaaji-xiiray/

http://bandhige.com/waayaha-somaliland-yaal-wq-nuur-xaaji-xiiray/

http://bandhige.com/cabdoo-qalad-xisaab-wq-nuur-xaaji-xiiray/

http://bandhige.com/sannadihii-lays-khiyaamaynaayay-wq-nuur-xaaji-xiiray/

http://bandhige.com/tolow-ciidamdii-shisheeye-miyaa-la-joojiyay-wq-nuur-xaaji-xiiray/

http://bandhige.com/shaqo-waa-maxay-shaqadu-wq-nuur-xaaji-xiiray/

http://bandhige.com/tolow-ma-waxbaa-is-badalaya-wq-nuur-xaaji-xiiray/

http://bandhige.com/islaamku-waa-jawharad-wq-nuur-xaaji-xiiray/

http://bandhige.com/cadow-aan-la-arkayn-wq-nuur-xaaji-xiiray/