Sidee Ugu Fiican Ee Wax Fiican Loo Akhriyaa?
Halkan waxa ah habab aad kor ugu qaadi karayso aqoontaada adiga oo wax akhrinaya. Hababkaasi, aniga iyo kumanaan kaleba way na anfaceen; kuwaasina waa hoggaamiyeyaasha ugu mushaharka badan shirkadahooda.
Buugaagta ugu fiican ee ay tahay in aad akhridaa waa kuwa ay qoreen ragga iyo dumarka si firfircoon uga hawl gala goobahooda shaqada. Waa buugaag ay qoreen khabiirro, iyo kuwo xirfadahooda ka shaqaysiiyey. Buugaagta ay qoreen barayaasha jaamacadaha iyo la taliyeyaasha maamulku, kuwaas in aad akhrido kugula talin maayo. Dadkani fiiro iyo fahan gundheer uma laha dhacdooyinka hal goob oo shaqo ka dhaca maalinba maalin; sanadba sanad, laakiin qofka goobtaas shaqo mar walba taagani wax badan buu ka ogyahay haddii uu qalinka u qaato in uu wax qoro.
Buugga uu khabiirku qoraa wuxuu noqon karaa mid aad kuu anfaca. Iibso buug waayo-aragnimo badani ay ku duugan tahay oo xambaarsan afkaaro la xaqiijiyey dhabnimadooda, kaas oo daraasadiisu ay qaadatay labaataneeye sanno; qoristiisuna laba ama saddex sanno. Qiimaha uu buugaasi leeyahay haddii aan kuu sheego, waxa aad ka heli kartaa aqoon qiimaheedu uu ku kacayo waayo-aragnimo aad lugahaaga ku raadin lahayd noloshaada oo dhan; islamarkaana aad ku lumin lahayd kumanaan doolar. Gebi ahaanba waxaad u baahan tahay waa hal fikrad wanaagsan ah oo aad ka hesho hal buug oo aad akhriday si noloshaada oo dhammi ay hal mar isku bedesho.
Halkan waxa ah qodob muhiim ah. Dhibaato kasta oo ku soo martay waxa xaliyey qof kale oo kula mida; xalka qofkaasi uu u helay dhibkaagana waxa lagu daabacay buug ama magaazaan; waana kuu diyaar haddii aad heli karayso.
Haddii buugaagtaas iyo magaazaanadaas fikrad ku saacidi karaysaa ay ku qoran tahay, taasi oo kuu badbaadin karaysa kumanaan doolar oo kaa khasaara iyo sanado badan oo aad mudato tacab aad u badan, balse fikradii aanad haysan, waxay ka dhigan tahay sidii oo fikradaasi aanay jirin. Laakiin wadada aad ku helaysaa waa akhris. Waxa aanad aqoonta u lahayni wuu ku dhaawici karaa; waanu kula hadhi karaa. Laakiin wax akhri oo aqoon yeelo si aanad u dhaawacmin. Tani waa sababta dadka guuleystay ay u raadiyaan xogo iyo fikrado cusub.
Waxa laga yaabaa in laguu soo bandhigo boqol fikradood, ka hor inta aanad helin fikrada lama huraanka ah ee wax weyn ka bedali lahayd noloshaada iyo shaqadaadaba. Inta aad ku gudo jirto baadhitaankaaga joogtada ah ee fikradaha cusub, waxa sidoo kale sii siyaadaya jaanisyadaada nasiib ee guusha. Waxaad u baahan tahay xadi fikradeed oo aad u badan, si aad u hesho fikrada ugu wax-ku-oolsan ee wax weyn ka tari lahayd waayaha kugu xeeran.
Iibso buugaagta ku khuseeya oo ka buuxi maktabadaada khaaska ah. Haka soo amaaneysan maktabad guud wax buugaag ah ee iibso. Marka aad buug akhridoba, qodobada muhiimka ah hoosta ka xariiqo ama ku xardho qalin midab leh. Ka yeel buugaas hantida kuu gaarka ah.
Markii aan bilaabay in aan buugaagta soo iibsado kadibna aan hoosta ka calaamadiyo qodobada muhiimka ah, dabadeed waxa aan is arkay aniga oo dhawr saacadood ku akhrinaya buugiiba, laakiin dhammaan qodobada muhiimka ah waxa aan ku akhriyi karaayey hal saac wax ka yar. Wakhti xaadirkan, si dhakhso badan ayaan buugga u akhriyaa, kadibna waxa aan dib ugu laabtaa oo aan qaabeeyaa qodobada muhiimka ah si aan hadhow isha u yara mariyo. Tani waxay dhakhso u siyaadisaa xawaarahayga barashada iyo xusuusashada qodobada muhiimka ah.
Intee In Le’eg Ayaad U Baahan Tahay Maalintii In Aad Wax Akhrido?
Furaha balaadhinta garashadaadu waa akhriska. Cilmi-baadhis laga sameeyay gudaha dalka Maraykanka 1999-kii ayaa xustay in dadka ugu mushaharka badani celcelis ahaan maalintii ay akhriyaan laba ama saddex saacadood, halka kuwa ugu mushaharka yari gebi ahaan aanay waxba akhriyin.
Xaqiiqatan, tirakoobka lagu sameeyey dadka wax akhriya iyo kuwa aan waxba akhriyin Ameerika waa mid naxdintiisa leh! Marka loo eego ururada buuggaagta iibiya ee dalka Maraykanka, waxa ay sheegeen boqolkiiba 80 qoysaska Ameerikaanka ahi in aanay iibsan ama akhriyin hal buug sanadkii la soo dhaafay. Boqolkiiba todobaatan qaangaadhyada Ameerikaanka ahi ma ay aadin dukaanka buugaagta iibiya shantii sanno ee u danbeeyey. Boqolkiiba sideed iyo konton dadka qaan gaadhay wax buug ah ma ay akhriyin intii ay dugsiga sarre dhammaysteen kadib, iyadoo boqolkiiba 42 kuwaas kamid ahi ay yihiin kuwa jaamacadaha ka qalin jabiyey.
Shirikado waaweyn oo aad u badan oo si joogto ah u soo xayeysiiya in ay u baahan yihiin dad aqoon leh, ayaa dani waxay ku kaliftaa in ay diidaan boqolkiiba shan iyo sagaashan ka mida soo codsadayaasha shaqo, sababta oo ah iyagu malaha xirfadihii akhris ee aasaasiga ahaa.
Waxa aan ku leeyahay, “Mudo shan sanno ah waxaad ahaan doontaa meesha aad maanta taagan tahay marka laga reebo dadka aad la kulanto iyo buugaagta aad akhrido.barmaamijyada aad dhegaysato, koorasyada waxbarasho ee aad qaadato iyo ilo-xogeedyada kale ee aad quudato maskax ahaan”. Waa kii gaariye lahaa, “Hadaan guga kuu kordhaa gabow mooyee ku tarin Garaad iyo waayo arag ileen wax ma dhaantid geed.” Waxay Soomaalidu ku maahmaahdaa, “Qof waliba intuu cuno ayuu ciidamiyaa”, si taas lamida, miyaynaan odhan karin, qof walibaana intuu akhriyay ayuu iftiimiyaa aqoon.” Ka dhaqaaq meesha aad hadda joogto, quudi maskaxda, kobci garaadkaaga oo baro akhriska degdegga ah.
Baro Akhriska Degdegga Ah
Akhriska degdega ahi waa xirfad aad ku baran karayso ku celcelin. Waxa jira hanaan gaar ah oo kaa caawin kara in aad libin-laabto ama aad sii saddex-laabto xawaarahaaga akhris ee buug kasta. Hanaankaas waxa loo yaqaanaa OPIR oo u taagan (overview, preview, in-view, review). Afartaas xaraf ee OPIR, soomali ahaan macnahoodu waa sidan: dul-ka-eegis ama guudmarid (overview), hor-ka-eegis (preview), gudo-ka-eegis (in-view), iyo dib-u-eegis (review) lagu sameeyo buugga la akhrinayo. Haddaba akhriste ku soo dhawaw qaabka habkan loo adeegsado.
Ka hor buugga inta aanad sii dhexgelin, waa in aad si guud isha u mariso waxyaabaha uu ka kooban yahay. Akhri jaldiga hore iyo jaldiga dambe ee buugga. Akhri taariikh nololeedka qoraagga, si aad u hubiso in uu yahay mid si dhaba u garanaya waxa uu ka hadlaayo. Akhri tusmada buugga oo weydii naftaada in aad ka heshay afkaaraha buuggu xambaarsan yahay iyo inkale. Dhakhso u akhri lifaaqa buugga (appendix) iyo liistada (index) ereyada ee loo habeeyey qaab alfabeeto oo isdabayaal ah, sida (B ilaa Y ama A-z), si aad u eegto ilo-xogeedyada qoraagu uu adeegsaday. Haddiiba aad hesho dareen fiican oo buugaas ku saabsan oo aad ogaato in uu qiime gaara kuu leeyahay, waa in aad u sii gudubto marxalada labaad.
Marxalada labaad ee akhriska degdega ahi waa hor-ka-eegis. Marxaladani waa marka akhrintaada aad ka bilawdo jaldiga, ee aad kolba bog soo rogto. Waxa aad akhriyi doontaa ciawaanada cutubka iyo faqradaha. U fiirso shaxaha, jaantusyada iyo garaafyada. Akhri sadarada ama laymanka ugu horeeya ee baragaraafyo ama faqrado badan, hadba inta aad awoodo. U akhri laba faqradood si dhammaystiran si aad u hesho dareen ku saabsan asluubta ama haykalka qoraal ee qoraagu adeegsaday. Go’aanso in aad buuggan ka heshay iyo inkale, sidoo kale go’aanso in aad la dhacday sida qoraagu uu naftiisa u cabiray iyo inkale.
Kadib marka aad soo gebagebayso marxaladda 1aad iyo 2aad ee dul ka eegista (overview) iyo hor ka eegista (preview); islamarkaasina aad dareento in aad ahmiyad u hayso akhrinta buugga, weydii naftaada “Sababta Aad U Xiiseyneyso?” Su’aashan markaad weydiiso naftaada, waxay kugu ijbaari doontaa in aad ka fekerto waxa aad buuggan ka dheefi karayso iyo sida aad ugu dabaqi karayso naftaada iyo shaqadaadaba. Akhrinta noocan ah waxa loo yaqaanaa, “Akhrin ujeedaysan”. Mar kasta oo macluumaadka cusubi uu yahay mid naftaada xidhiidh la leh, oo aqbali kara in aad noloshaada ku dabaqdo wakhti xaadirka, marka aad soo afmeerto akhrinta buugaas, waxa si dhaba loo hubaa, in wixii aad akhriday aanu ka bixi doonin xusuustaada.
Marxaladda sadexaad ee buug akhrintiisu waa gudo ka eegis. Haddii aad akhriyeyso buug aan khiyaali ahayn (non-fiction book), akhrintaada ka bilaw cutubka inta badan aad kuu khuseeya; intaa kadib jooji akhrinta haddii aad iska weydo xiise kugu qasbaya in aad sii wado akhrintiisa. Sida inta badan dhacda, waxa laga yaabaa in buugga ugu wanaagsan aad ka hesho cutub ama laba cutub oo si dhaba ula xidhiidhaya nolosha aad hadda ku jirto.
Xaqiiqatan, haddii xogtu ay tahay mid aan ku anfacayn oo aanay si toos ah kuu taabaneyn, waad iska ilaawi doontaa, laakiin ugu horeyn sababma ayaad u akhriday? Inta se aad weli ku sii gudo jirto gudo-ka-eegista (in-view) ama akhrinta qotoda dheer, ku samee qoraalka ishaarooyin iyo calaamado farobadan intii awoodaada ah. Hoosta ka xariiq ereyada iyo jumladaha muhiimka ah oo ku calaamadi qalin midab leh. Goobo geli afkaaraha muhiimka ah. Ka yeel qoraalka buugga mid muraajaco aqbali kara si aad markiiba u heli karto xaqiiqooyinka muhiim kuula muuqda.
Marxaladda ugu dambaysa habka (OPIR) ee akhrinta degdega ahi waa dib u eegista ama muraajacada buugga. Marka dhinac la iska dhigo sida aad u maskax badan tahay, waxa waajib kugu ah in aad dib ugu laabato muraajacaynta qodobada ugu waaweyn ee ugu muhiimsan saddex ilaa afar jeer, si ay xusuustaada ugu sugmaan. Laakiin durbada aad soo afmeerto calaamadaynta qodobada muhiimka ah ee buugga, waxa lagaa rabaa in aad samayso akhrin guudmar ah oo aan kala go’ lahayn muddo saacad gudaheed ah, si aad u hesho gebagebada nuxurka biyo kama dhibcaanka ah ee guud ahaan buugaas laga dheehan karayo.
Ugu dambayn, waxa jira laba nooc oo wax loo akhriyo, akhrin si joogto ah loo adeegsado iyo akhrin kobcin ahaan loo adeegsado. Akhrinta si joogto ah loo adeegsanayaa waa ta lagula soconayo wargaysyada iyo magaazaanada maalin laha, todobaad laha iyo bilaha ah ee ka faalooda xaaladaha markaas taagan si loola socdo waxyaabaha cusub ee aqoontaada la xidhiidha. Dhanka kale, akhrinta kobcin ahaan loo adeegsanayaa waa mid ku aadan buugaagta aad had iyo goor akhrido ee la xidhiidha aqoontaada jaamacadeed, si aad u sii kobciso heerkaaga aqooneed. Adeegsiga labadaas hab, waxay kuu horseedi doonaan kor u kac aad u weyn.
Qore: Macalin Maxamed C/kariim Axmed (Shiil)
Bandhige@gmail.com