Sideen u qaabilnaa Ramadaan, bishii khayrka iyo qur’aanka Q.4aad (WQ: Axmed Cali Kaahin)

Adoonka wanaagsani wuxuu ku qaabilaa, toobad saafiya, go’aan adag, ka gacan qabsashada khayrka, iyo ku camirid camalo suuban, Allaale baan ka tuugaynaa in cibaado suuban inagu gargaaro. Waxaan halkan kusoo gudbindoonaa, barnaamij rag iyo dumara, oo bisha Ramadaana. Aan isku dayno in aan ka faaiidaysano, saacad kasta oo saacadaha ramadaanta ah, wixii faaiido iyo intifaaca aakhiro iyo aduun inoo leh

MAQRIB المغرب
1. Ku dadaalid ducada, marka cadceedu dhacdo. قال النبي صلى الله عليه وسلم (ثلاثة لا ترد دعوتهم وذكر منهم الصائم حتى يفطر ) أخرجه الترمذي
2. Afur, cunid adoo ducaysana. Lehna ducadan. ذهب الظمأ وابتلت العروق وثبت الأجر إن شاء الله تعالى ) رواه أبو داود .
3. In cid kula afurtaa musliminta baahaan waa ajar iyo fursad qaaliya
4. Salaada jamacada hore u gaadh
5. Masaajidka fadhiiso, akhriso adkaarta habeenkii waxaa laga helikaraa Xisnul muslim aad soo dajisan karto adkaar badan.
6. Kulan waxbarasho u qabo xaafada, waa barakee. ( وإن لزوجك عليك حقا
7. U diraar garaw salaada Cishaai iyo taraawiixda, iyo cunto fudud

CISHAA’IGA العشاء
• Salaad cishaa jamaca gaadh , iyo safka hore
• La dhamaso taraawiixda imaamka ajarwaynaa la dhamasiga ku soo arooray. قال النبي صلى الله عليه وسلم ( من قام رمضان إيماناً واحتساباً غفر له ما تقدم من ذنبه ) رواه البخاري ومسلم
• Dib baad u dhigan kartaa Witriga ilaa habeenka xagiisa dambe haddaad karayso. قال النبي صلى الله عليه وسلم ( اجعلوا آخر صلاتكم بالليل وتراً ) متفق عليه

BARNAAMIJ FURAN برنامج مفتوح

  •  Booqashada qaraabada gaar ahan waalidiinta, iyo asxaabta, jaarka, falgalinta wacyigalin diiniya, iyo adeeg bulsheed, cilmi korodhsi
    Axkaam. Adaab, iyo habdhaqan, cashar xaafada, laylin naftaada ah, ka qayb gal arrimaha xaafada ee gargaarga bulshada. Naxariis iyo amaani Nabigeenii dushiisa ha ahaato.