Sir culus Mudane Jamaal Cali Xuseen oo khiyaamey garabkiii UCID ee uu hoggaaminayey (WQ: Drs. Hoodo Yuusuf)

Mudaneย Jamaal Cali Xuseen ayaa sul -daaro u dhigay taageerayaashi iyo garabkii UCID ee uu hoggaminaayay. Sida ku cad sawirka halkan ku lifaaqan, wuxuu wada-hadalo hoose oo beelaysan la yeeshayย ย Kornayl Muuse Biixi Cabdi.

Qabanqaabada heshiiskan waxa soo abaabulayย ย Ganacsade Maxamed Awย Saciidย oo ka mid ahย Ma-gafayaasha Siyaasadda Somalilandย eeย Jabuuit.

Waxa qandaraaska soo qaatayย Xildhibaan Saciid Cilmi Roobleย oo dhawaan ma-gafahaas kula kulmay Jabuuit. Barnaamijka qodobadiisa ugu waawayn waxa ka mid ah:

1). In garabka uu hogaaminaayoย ย Jamaal Cali Xuseen iyo Muj Cali Gurayย kasoo guuraanย Xisbigga UCID,ย kuna soo biiraanย Xisbigga Kulmiye.

2). In Eng Faysal Cali Waraabe loo hibeeyoย musharaxnimadda Madaxweyne ee Xisbigga UCIDย si uu kala jebiyo codkaย ย Waddani.

3). In dhammaan waxii kharash ka baxay iyo weliba mag-dhaw dheeraada loo celiyoย Mudane Jamaal Caliย Xuseen, Wasiir culusna laga siiyo Xukuumadda uu dhisi doono Kornayl Muuse Biixi.

4). Heshiiska labada dhinac waxa dammaanad qaadi doonaย ย Guurti iyo odayaal ka socda labada dhinac oo uu gadhwadeen ka yahay Madaxweyne-ku-xigeenkii hore ee Somalilandย ย Mudaneย Axmed Yusuf Yaasin.

Maanta ayay ahayd markii uuย ย Af-hayeenka UCIDย ย Mudane Badmaaxย ย dafiray heshiiskaย ย Mudane Jamaal Cali Xuseen iyoย  Kornayl Muuse Biixi. Taaso kuu cadaynaysa khiyaamada uu Mudane Jamaal la beegsaday garabkiiย ย lasoo halgamay oo uu ka xan qarsaday.

Drs Hoodo Yusuf , London,UK.

yhoodo@yahoo.com.