Waayaha dadka ay abaaruhu haleeleen iyo weedha wasiirad Samsam, laba aan Islahayn (WQ: Xuseen Maxamed Maxamuud “Xuseen-lucky”)

Duruufo abaareed oo aad u qalafsan oo biyo, la’aan, baad la’aan, iyo xoolihii oo aad u le’day ah ayaa ka jira inta badan goboladda barriga Somaliland,taasoo ku reebtay dadkii halkaas ku dhaqnaa Gaajo iyo Macaluul aan horey usoo marin tan iyo taariikh fog  dadka ku nool deegaanadaas, wararka ka imanaya dadka deegaanka, hay’addaha Maxaliga ah iyo Kuwa Caalamiga ah, Maamulka Gobolka iyo kan degmada ayaa dhamaantood ah kuwa si weyn uga dayrinaya  nolosha darxumada leh ee ay dadkaasi ku sugan yihiin, taasoo, haddii aan sida ugu dhaqsaha badan loogu gurman ay xaaladu noqon doonto mid isu rogta masiib qaran, waxka qabashada arintanina waa mid u taala qofkasta oo soomali ah oo damiirkiisu noolyahay, garanayana, waajibka ka saran caawimada ruux, ama qoys iyo bulsho tabaalaysan isagoo aan u eegayn deegaan, qabiil iyo aragti siyaasadeed midna.

Docda kale, Marka laga yimaado ka warbxinta dhibaatada abaareed ee halkaas ka taagan iyo raadka ay ku samaysay bulshooyinkii ay ku habsatay abaartu, Arinta layaabka ku noqotay qofkastaa waxay ahayd in markii lala hadlay Wasiiradda Maaliyada Somaliland, Marwo Samsam Cabdi Adan, iyo Gabadha Agaasimaha ka ah waaxda samafalka,lagana codsaday  inay Kaalmo degdeg ah usoo habeeyaan dadka dhibaataysan, ay Wasiiradu  ku jawaabtay ereyadan:- INAGA HUBIYA WAXAY SHEEGAYAAN, REER BARIGU WAA ISKA HADLAANE,OO WAX BAY ISKA SHEEGSHEEGAANE,  taasoo ah wax gef ku ah Magaca iyo haybada dawladnimo, isla markaana Tumaati ku ahayd shacabka la tabaalaysnaa Abaarta  ee hiilka u baahnaa, kuwaasoo kursiga ay ku fadhido ka mid ah shacbiga wax ku leh ee ay adeega u tahay.

Arinta dad badani ka fajaceen ayaa ahayd weedhaha ka soo yeedhay Wasiiradda Samsam Abdi Aadan ee duraya mujtamaca balaadhan ee ku dhaqan gobolada Barriga ee dalka, oo ah runtii arin meel-kadhac ku ah dadkaas, noqonaysa mid ku digasho iyo jeesjeesku ah dadkaas dhibaataysan, halka ay Wasiiraddani tahay mas’uul ku caan baxay in markasta ay taagnaato, oo taakulo gayso Magaalooyinka Gebilay iyo Wajaale oo ah halka ay kasoo jeedo. Hadaba, anigoon waxba ka qabin in la kaalmeeyo shacabka reer Somaliland Gobolkastoo ay joogaanba, hadana, Su’aasha aan weydiin lahaa mas’uulkan waxay tahay, dalka iyo dadka Miyaanad Wasiirka Maaliyada u wada ahayn? Mise waxaad Wasiir u tahay 90-ka-km ee aad ku dhex hafatay, oo uma tihid Wasiir dadka ku dhaqan 1000 km ee Gobolada Barri ku fadhiyaan.

Gunaanadkii, Samsameey, Adigu Eed Ma lihid, ee waxaa Eedda  Iska leh Madaxweynihii Wasiirka uga dhigay ummadda, Ruux aanu hankiisuba dhaafsiisnayn Reer Hebel, waxaanan u tacsiyadaynayaa Umadda wasiirka laggaaga dhigay ee dayacan iyo Xilka aad hayso laftiisa oo isgauna mudan in loo tacsiyadeeyo, Maadaama, uu (Xilka) ku israafayo ruux aan garanayn waxa xilku ka mudan yahay, Waxaanan Madaxweyne Siilaanyo kula talin lahaa in Alle ka baqo, oo umadda cidda uu Mas’uulka uga dhigayo aad uga fiirsado, una magacaabo cid u qalanta mansabka loo dhiibayo, caddaaldna wax ugu qaybisa dadka qalinkeeda hoos taga.

Wa Bilaahi Towfiiq.

Hussein-lucky Mohamed Mohamoud.

Burco, Somaliland.

Email, husseinlucky@hotmal.com