Ugaandha: Madaxweyne Museveni wuxu amray in la xidho jaamacadda Makerere faracadeeda Kampala

Ciidammo dheeraad ayaa la geeyay faraca jaamacadda ugu wayn dalka Ugaandha ee Makerere ay ku leedahay caasimadda Kampala kadib markii uu madaxweyne Museveni amray in la xidho.

Ammarkaasi ayaa waxa uu ka dambeeyay markii booliska iyo ardada jaamacadda ay isku dhaceen salaadadii. Booliska ayaa adeegsaday qiiqa dadka ka ilmeysiisa si ay u kala eryaan ardaydada oo ka cadheysan macallimiintooda oo shaqada ka fadhiistay. Araydudu waxay doonayaan in macallimiintooda oo fasalada ka maqnaa muddo tobobaad ah ay dib u soo laabtaan.

Macallimiinta ayaa ka cabanaya inaysan helin mushaarkoodii muddo sideed bilood ah, waxayna wacad ku mareen in ay sii wadi doonaan shaqo joojinta ilaa ay lacagahooda ay ka helayaan.

Museveni waxa uu sheegay in jaamacadaasi uu u xidhay si uu u hubiyo badqabka ‘ardayda iyo hantida’. Ardayda ayaa hadda billaabay in ay isaga baxaan jaamacadda.

bandhige@gmail.com