Siyaasad la’aanta caafimaadka iyo silica bulshadeena (WQ: Dr. Maxamed M. Xasan)

Madaxweyne Axmedow,

Adba waad ogtahee,

Ina ciise marna,

Umushaas Dayacan,

Arxan mu u hayaa,

Igadaa cid kalo,

Aabahi Dayaci,

Ayabuu u dhintay,

Aniguna Adiga,

Sow kuguma Aaminin,

Aayaha Dadkani….

Kolkaad igu egtay,

Aaran dubatada,

Ubadkodi kacay,

Obocdodi iibshay,

Ka sakow anshaxiisa shaqsiyadeed, Saleebaan Ciise ahmed, waxa uu dumiyey dhamaan nidaamyadii shaqo ee siyaasada iyo haga u ahaa jaangoynta howlaha adeegyada caafimaadka bulshada, waloow aqoontiisa iyo kartidiisuba ay in uun wax ka geysan lahaa dedaalka loogu jiro kor u qaadistaanka iyo kobcinta kaabayaasha caafimaadka qarankani waa hadiiba uu ka soo xaadiri lahaa goobta shaqada uu qaranka u hayaa laga maamulo iyo xafiiskiisi loo soo magacaabay.

Waloow bulshada inteeda badani aamineen waxqadab ka dhalanteedka ah ee xukuumadda Madaxweyne Ahmed Siilaanyo se xaqiiqadu ay taas ka duwan tahay. Siilaanyo mudadii u talada dalka hayay, waxa uu dayacay dhamaan daryeelkii caafimaadka bulshada, waxaa kor u kacday dhimashada hooyada iyo dhalaanka, sidoo kale waxaa kor u kacay dadweynaha la taagta daran cudurada maskaxda, neerfayaasha, keliyah, wadnaha, faaliga, iyo dhamaan cudurada u baahan maaraynta culus (Intesive Care).

Waagii xukuumadda Rayaale talada dalka haysay, ididiilada Haldoorka bahweynta caafimaadka ee in la kobciyo kaabayasha caafimaadku waxay ahayd mid ka saraysa tani maanta, waxaa jiray dedaalo ku waajahan kobaca caafimadka bulshada kaasi oo ay gadhwadeen ka ahaayeen haldoorka bahweynta caafimaadku, waxaa kale oo jirtay ididiilo loo hayay inay soo bixi doonan hawl wadeeno caafimaad oo ka hawl gala goobaha caafimadku, waloow ay soo baxeen se lagama faa’iidaysan lagamana howl-gelin goobahii looga baahna kuwii ka howl galayna markay waayeen gunooyinkoodi iyo hoogamin aragti ku salaysay way ka dareeren.

Waxaa ku dayacan dhamaan goobaha caafimaadka maati ay ugu mudan yahiin hooyoyin kuwooda ugu dhibta yari ay yahiim hooyo uur leh oo umul iyo fooli gubayso oon haysan daryeel cafimaad oo lacag la’aan ah, kuwaas oo adeegyadii lacag la’aanta ahaa ee hore looga kabaayay mashaariicda dawladda Ingiriisku Somaliland ku caawiso imikana ay hayadda UNFPA damaanad qaaday gu’nooyinkii umulisooyinka iyo kalkaaliyayaasha ka howl gala goobahani caafimaad uu afka u dhigteen Wasiirka, agaasimaha guud, iyo agaasime waaxedka caafimaadka qoysku.

Aan soo qaato tuducyo ka mida maansadii hooyo ee Abwaan hadraawi, gaar ahaana kuwii hoogamiyaha hiigsiga iyo himilada leh ka hadlaysan waa tuducyadii

“Marka aad Nin himillada,

Hilin toosan mariyoo,

Hir markii la gaadhaba,

Ku labaad hilaadshoo,

Haga maatadiisoo,

La higsade dhashaa baa,

Hooyo lagu xusuustaa”

Siilaanyo, waloow barta uu ku yaalo cusbitaalka guud ee u weyn qarankani afka qalaadna lagu yidhaahdo (Nation Referal Hospital) ay dhowr talaaabo u jirto qasriga looga taliyo dalkan iyo dadkani ayaahooda hadana se lama odhan karo waad haleeli wayday, waana uu tahli wayday inaad kormeer ugu kuur gashid xaalada caafimad ee ay bukaankani maanta oo badidoodu ah taagerahaagi shalay ku doortay inaad hogaamisid ay ku sugan yahiin.

Mudadii ay xukuumadda Ahmed Siilaanyo talada dalka gacanta ku haysay waxaa faraha ka baxay kaantoroolkii iyo maamulkii haboonaa ee caafimaadka bulshada, waxaana hana qaaday xarumo caafimaad oo aad u tira badan iyo dhaqaatiir Sheeganaya in ay wax waliba dabiibi karaan oo darbiyada iyo boodhadhkooda ku Qortay{ Genaral Hospital} oo afka qalaad oo micnaheedu yahay cisbitaalka guud oo ay ugu tala galeen in ay ku qaabilaan cid waliba oo sheeganeesa caafimaad daro mana jirto cid hubineysa xirfadooda shaqo, qalabka ay ku howl-galaan iyo Daawooyinka ay bixiyaan.

Waxaana jira dad badan oo amar ALLAH ka sakow u geeriyooday dawadii saxda aheyd oo aan la’siinin halka kuwa kalena lagu marin-habaabiyo daawooyin aan shaqo ku laheen xanuunkooda arintanina waxay keentay in cudur iyo xanuuno badan oo aanu qofku qabin in ay ku dhacaan, waxaad arkeysaa hadii aad booqato xarumaha caafimaaad eek u yaala gobolada dalka gaar ahaan magaalaooyinka Hargeisa, Burco, Boorama, Berbera iyo kuwa kaleba in durbadiiba ay buuxan goob waloo caafimaad bulsho xanuun hayo oo aan kaba cabaneyn xanuunka haya se ka cabanaysa daryeel caafimaad la’aan iyo inaanay helin adeeg-san oo ay ku iloobaan dhibaatadooda.

Hadiiba caafimaadka gobaladu ay dhaami lahaayene, waxaa jirta in cusbitaalka guud ee Burco iyo kani Boorama labaduba ay qarka u saran yahiin inay xidhmaan, halka ceerigaabo imka dib u dhiskiisa iyo dib u furitaankiisa lagu jiro.

Dhowaan ayaabad ahayd markii ay soo if baxday fadeexadii cusbitaalka Wajaale ee dirxigu ku dhashay baradii daryeelka bulshada lagu bixni lahaa arrintani waxaa sii dheer in iyana dhowaan uu si toosa shaqadii dalka ay ka wadeen hayadda UNICEF uu joojiyey halka uu si dadban u joojiyey wadashaqayntii ay wasaaraddu la lahayd hayada caalamiga ah, arrintani oo salka ku haysa in masuuliyiinta wasaaradu ku kacaeen musumaasuq iyo wax isdaba marin taasi oo sababtay in ay hayadaasi dhamaanba joojiyaan wadashaqayntii ay la lahaayeen wasaarada caafimaadka somaliland
xaglatoosiye maaha wasiir ka soo xaadira wasaarada caafimaadka ee masuulka ka yahay isaga oo inta badan kaga mashquulsan arimihiisa gaarka ah intuu caasimada joogo, halka uu marar badan ku maqan yahay safar dibadeed amaba deegaankiisa Buuhoodle, waana ta ilaamanta sababtay in aanu ka war hayn hawlaha ka socodka wasaarada caafimaadka.

Sidoo kale waxay
Wasiirka iyo Agaasimaha Guud ee Wasaarada caafimaadka Somaliland oo afka iska mariyey Gunnooyin Hayada UNICEF ku badhitaarto hawl-wadeenada & Shaqaalaha wasaarada.
Halka imikana ay gunooyinkii umulisooyinka ka howl gala Xanaanoyinka dalku ay
u mudo 11 bilood ah u xaniban yahiin maamulka wasaarada oo u hamiyo-digle sidii gunooyinkaasi ay u leexsan lahaayen waana arinta sababtay in umulisooyinka ka howlgala xanaanoyinku ay u qorshaynayaan in adeegii dhalmada ee bilaa lacagta ahaa ay ka dhigaan mid lacag ah si nolol maalmeed kooda ay ugala soo baxaan.

Arrintani waxay ka marag kacaysaa siyaasad xumida xukuumada Ahmed Siilaanyo ee kobcinta kaabayaasha caafimaadka bulshada iyo aqoon iyo karti darada wasiir xagla toosiye waxay ka turjumaysaa aqoon la’aanta maamulka oo aanu hore uga soo shaqayn shaqooyin hore oo la heer ah midani ay xukuumada Ahmed Siilaanyo u igmatay, dhibaatadani waa mid wada saamaysay dhamaan wasaaradaha dalka oo uu masuul kastaba wasaaradiisii ka soo qaaday mid uu isagu leeyahay oo uu sida uu doono ka yeelo waxaana meesha ka baxay hanaankii la xisaabtanka dawladnimo.

 

Dr. Maxamed M Xasan