Wasiirka wasaaradaha Wershadaha Somaliland Shucayb Maxamed Muuse ayaa waxa uu soo kormeeray hawlaha dardargelinta xisbiga Kulmiye ee magaalooyinka Gabiley Iyo Togwajaale.
Sidoo kale waxa uu wasiirku hadhimo sharafeed u sameeyey madaxda laamaha Togwajaale.
Dhanka kale waxa Wasiirku kulamo la qaatay Madaxda Laamaha kala duwan ee Xisbiga talada Dalka haya ee Kulmiye ee Degmooyinkaasi waxaana uu Wasiirku ka dalbaday in ay labanlaabaan dardargelinta hawlaha Xisbiga Kulmiye oo uu sheegay in uu taageero miisaan leh ku leeyahay Degmooyinkan isla markaana lagu xasuusto cududii ay ku biiriyeen Xisbiga Kulmiye doorashadii uu kusoo baxay ee dhacday sannadkii 2010-kii.
Wasiir Shacayb Maxamed Muuse waxa uu ku wareejiyey taageerayaasha xisbiga calamada astaanta u ah xisbiga Kulmiye iyo agab kale, waxaanu yidhi isagoo arrintaas ka hadlayana:
“Maanta Waxaa aynu Joognaa Magaalada Togwajaale waxaana aynu kula kulmaynaa Masuuliyiinta Laamaha kala Duwan ee Xisbiga Anagoo iska xogwaraysanay sidii Xisbiga boodhka looga tumi lahaa Maadaama ay inagu soo dhow yihiin hawlihii ololaha ee Xisbiga, waxaana aanu isku Afgaranay in aan Xoojino sidii hawshaas aan u qaban lahayn masuuliyiinta xisbiguna waa ay nala qaateen qorshahaas.”
Wasiirka Wasaarada Wershadaha Shucayb Maxamed Muuse ayaa mudooyinkii u danbeeyey waxaa uu ku hawlanaa sidi uu boodhka uga tumi lahaa dhammaanba laamaha kala duwan ee Xafiisyada Xisbiga talada haya ee Kulmiye ku Leeyahay Deegaamada Gobolka Gabiley gaar ahaana Togwajaale Iyo Magaalada Gabiley.