Siraha ku duugan lammaaneyaasha guurkoodu waaro!

Waxa laga yaabaa in aad in badan is weydiinaysay sababta dadka qaar guurkoodu u waaro kuwo kalena markaaba u fashilmo. Jawaabta waxa kuu haysa Jaamacadda Cornell University oo ku taal Maraykanka oo Sabtidii daabacday cilmi-baadhis xiiso badan.

Dr. Karl Pillemer oo ku takhasusay cilmi-nafsiga dadka da’da ah iyo koox uu hoggaaminayey ayaa muddo dheer daraasaynayey boqolaal qof oo da’doodu ka weyn tahay 65 jir, kuwaas oo tayada ay ka sinnaayeen ahayd in ay dhammaantood ku guulaysteen waaritaanka guurkooda.

Dadka ay Jaamacaddu baadhitaannada ku samaysay waxa ay ka koobnaayeen 400 oo qof, kuwaas oo 300 oo ka mid ah guurkoodu jiray inta u dhaxaysa 30 sanno ilaa 50 sanno. Da’doodu celcelis ahaan waxa ay ahayd 77 gu’, boqolkiiba sideed iyo konton ka mid ahina waxa ay ahaayeen dumar.

Dr. Karl Pillemer iyo kooxdii Jaamacadda Cornell University natiijadii ka soo baxday daraasaddooda waxa ay ku soo koobeen shantan talo ee soo socda, kuwaas oo ay tilmaameen in ay anfici karaan cid kasta oo danaynaysa guur waara:

1. Wada-xidhiidh: Lammaaneyaashii guurkoodu raagay waxa ay badankoodu guushooda u aaneeyeen wada-xidhiidh wanaagsan, kuwii guul-daraystayna waxa ay fashilaadooda ku sababeeyeen wada-xidhiidh xumo. Haddii aad danaynayso in adiga iyo lammaanahaagu aad ku naalootaan guur waara waa in aad labadiinuba barataan sida ugu habboon ee loo wada xidhiidho. Mid waliba kan kale waa in uu si wanaagsan u dhagaystaa. Mashaakilaadka iyo tabashooyinka waa in si furan oo kalsooni leh loo faaqidaa. Doodda lammaanuhu waa in ay ku dhisnaataa is-tixgelin iyo wax-sixid balse aanay noqon is-liidid iyo is-eedayn. Xidhiidhka joogtada ah iyo kala-war-qaadashada aan wakhtigeeda ka dib dhicin waa u nafaqo guurka.

2. Baro lammaanahaaga guurka hortii, hana filan in uu isbeddelo: Daraasaddu waxa ay ku telisay in lammaanaha da’da yar ee is guursanayaa ay aad isu sii bartaan guurka hortii isla markaana aanu midkoodna kan kale ka filan in dabcigiisu is beddelo.

3. Qaddari guurka, xadhigiisana adkee: Marka horeba lammaanuhu guurka waa in ay u arkaan iskaashi ay nolosha ku dhammaysanayaan. Waa in ay u dul qaataan mararka ay duruufuhu gilgilaan guurkooda. Daraasaddu waxa ay ogaatay lammaaneyaasha duruufaha adag iskala soo dabbaasha ee xataa soo mara khilaafyada adag haddii ay dhabar-adaygaan in jacaylkoodu sii siyaadi karo guurkooduna noqon karo mid aan weligii xagal-daacin.

4. Noqda laba qof oo hal qof isku ah: Waxa la ogaaday in arrimaha cimriga guurka dheereeya ay ka mid tahay iyadoo labada qof annaaniyadda dhinac isaga riixaan iskuna arkaan in ay yihiin laba qof oo isku ah qof kali ah. Waa in macaanka nolosha iyo qadhaadhkeeda labadaba ay wadaagaan isla markaana aanay u kala tagin xanuunka iyo caafimaadka, farxadda iyo naxdinta.

5. Dooro qof aad isku dookh tihiin:  Daraasaddani waxa ay daah-furtay in lammaaneyaashii guurkoodu waaray ay u badnaayeen kuwo wax isku mid ah xiiseeya, qiyam isku mid ah leh, si isku mid ahna nolosha u arkayey. Haddii ay labada qof marka horeba sii og yihiin in ay ku kala duwan yihiin arrimo nolosha qoyska aasaasi u ah– tusaale ahaan sida dhaqaalaha loo maamulayo, sida carruurta loo tarbiyadaynayo iyo doorarka ragga iyo dumarku nolosha ku leeyihiin– waa in aanay ku degdegin guur. Sababta oo ah kala-duwanaanshaha caynkan ahi caashaqa wuu xaalufiyaa guurkana wuu xabaalaa.

Xigasho: msn.com
Turjumaaddii iyo soo koobiddii Ina Siciid
Bandhige@gmail.com