Maayarkii Boorama oo xilkii laga qaaday

Laba sanno iyo badh kadib markii la doortay waxa maanta xilkii laga qaaday maayarkii Boorama Saleebaan Xasan Xaddi. Golaha Deegaanka Boorama ayaa u fadhiistay gelinkii hore ee maanta kadibna isaga ka codeeyey.

Maxamed Xasan Maydhane oo ka soo jeeda deegaanka Quljeed ayaa loo cumaamaday in uu noqday maayarka cusub ee Boorama, xarunta Gobolka Awdal, kadib markii uu helay 13 cod oo ka mid ah xildhibaanada Golaha Deegaanka Boorama iyadoo ay la tartamayeen 4 murashax.

Sidoo kale, guddoomiye xigeenka degmada Boorama waxa ku guuleystay Cumar Ileeyey Jimcaale.

Maalmihii u dambeeyey waxa magaalada Boorama la isla dhex marayey in xilka laga xayuubin doono Maayar Saleebaan kadib markii la muddeeyey goorta ay fadhiisanayaan golaha deegaanka.

Marar badan oo hore ayaa Golaha Deegaanka ee Boorama isku dayeen in ay xilka ka qaadaan Saleebaan, laakiin uma ay suurogelin ay u fadhiistaan hadda ka hor.

Saleebaan Xasan Xaddi ka hor intii aan loo dooran Duqa Boorama wuxu ka tirsnaan jiray Golaha Sare ee Dalladda Dhallinyarada ee SONYO. Sidoo kale wuxu ka mid ahaa aasaaseyaashii ururka dhallinyarada ee AYODA.

Qormooyinkayaga dambe waxan ku soo gudbin doonaa taariikh-nololeedka maayarka cusub.

 

Bandhige@gmail.com