Sirta Dan iyo Dhaqaale ee Xeer Lr.12 (WQ: Bashir Maxamed Bashir )

Waxa dib u istaadhantay dooda iyo falanqaynta baraha bulshada ee Xeer Lr.12/2000, waa dood adag ah oo u baahan in aad loo lafaguro, la fahmo la dhuuxo siraha dhaqaale (economic secrets) iyo dan ee ku jirra xeerka, ahmiyadda midaynta tacriifadda dowladaha hoose (priority of unitization tariff local government act) iyo kaalinta xeerku kaga jirro hormarka labada degmo ee Berbera iyo Gabiley. Xeer Lr.12 waxa uu qoondo gaara siinayaa (specific allocation) degmooyin cashuuro aanay lahayn, xeer nidaameedkan cashuureed waxa uu u kala sadburinayaa degmooyinka, waxa uu ka dhigayaa labada degmo ee ugu muhiimsan dhaqaale ahaan, xeerkani waaka salka u dhigay gobolnimada Saaxil iyo gobolnimada Gabiley ee soosocota. Saddarkan hore waxa suurtogal ah in aad degdeg u fahmi waydo waayo waxa aan kugu soo qadimay sadar ay ahayd in aan xagga dambe ku tibaaxo.

Xeer Lr.12 oo soo baxay 2/3/2000, go’aan golle ku ansaxay 27/3/2000, saxeexa madaxweynaha 8/4/2000, dhaqan galayna 15/4/2000. Waa mid ka mid ah xeerashii Marxuum Maxamed X.Ibraahim Cigaal meel mariyay muddo xileedkiisii 1993-2002. Xeerkani waxa uu ka kooban yahay 22 qoddob, 22-ka qoddob waxa ku jirra 17 ilo-cashuureed oo uu waajibinayo xeerku, ilo-cashuureed kasta waxa ku qoran qiimaha laga qaadayo iyo heerarka ay ku kala duwan yihiin. 2000 qiimaha tacriifadda ee sanadkaas iyo xaddiga cashuurta tacriifadda hadda 2020 wax badan baa iske bedelay. Dhamaan marka aad eegto shuruucda maaliyadda, dhaqaalaha iyo cashuuraha S.land waa xeerka kaliyaata ee qoddobka kabka dowladaha hoose muujinaya.

Dowladda S.land saddex meelood ayuu dakhli madani ah (domestic revenue) ka soo galaa; cashuuraha bariga 22.03%, cashuuraha kastamyada 68% iyo khidmooyinka dowladda dhexe 9.69%.

Marka aad eegto dakhliga dowladaha hoose ka soo gala cashuuraha si isku mida sharcigu u siiyay ee ay magaalooyinkoodu ka qaataan, waxay u kala dakhli badan yihiin sida ay magaalaba magaalo uga weyn tahay ugu cufnaan dad badan tahay (population density), dadku na u badeeco isticmaal (consumption commodities’) badan yahay, gobol ba gobolka uu ka dad badan yahay waa ka cashuur-bixiye badan yahay.

Tusaale aan yara hoga-tusaaleeyo haddii aynu fiirino dakhligii  cashuuraha bariga 2018 Awdal ka soo xarooday barbar dhigno saddexda gobol ee bariga S.land oo kala ah Sool, Sanaag iyo Togdheer. Dakhliga guud soo xarooday 2018 waxa uu dhamaa aduun dhan $256 Milyan. Cashuuraha bariga gobolka Awdal waxa ka soo xarooday $18.8 Milyan, halka saddexda gobol ee bari oo kala ah Togdheer, Sool iyo Sanaag ka soo xoroodeen cashuuraha barigu $3.9 Milyan.

Xeer Lr.12 qoddobka 14aad farqadiisa 1aad waxa uu odhanayaa “Degmooyinka kastamadu ku yaaliin waxay xaq u yeelanayaan in Wasaaradda Maaliyaddu u qaado 10% oo ay ku yeelanayso Cashuurta Guud ee dowladda dhexe (Customs Duty) ka qaado furdadaasi”.

Ogow kastamaddu maaha ilo-waxsoosaar, ma aha il-dhaqaale, maaha khayraad dabiiciya oo degmo gooni u yeelan karto si xuquuq cashuureed oo gooniya u hesho laakiin waa sanduuq ay dowladu dhigato meelaha dalka wax ka soo galaan ee xadadka dhulka, madaaradda iyo dekedaha, si kale kastamyadu waa jeebad lagu ururiyo lacagta cashuuraha dadban (Indirect tax) ee alaabaha iyo ummadda.

Dakhliga kastamku waa cashuurta la saarayo alaabta (Goods) iyo badeecada (Commodity) la ogolyahay inay soo galaan ama ka baxaan xuduudaha dhulka, dekedaha iyo madaarada iyadda oo la raacayo xeerka kastamyadda ee galida iyo bixida ashyaada. Cashuur kasta oo kastam lagu qaado qofka ugu dambeeya ee alaabta u iibsada si uu u isticmaalo ayaa bixiya.

Qoddobka 14 ee xeerku waxa uu jideeyay in degmooyin gaar ahi si toosa dakhli uga helaan wasaaradda maaliyadda, wuxuu sababay in Berbera iyo Gabiley oo leeg xaafado ka mid ah Borama, laascaanood iyo Burco ay hadda na afar jeer ka dakhli bataan. Dakhliga dowladaha hoose ee Berbera iyo Gabiley wuxuu 70% ku tiirsan yahay lacagta adag (hard currency) ee tooska looga siiyo kastamyadda heer qaran. Waxa xusid muddan in kabka dowladda dhexe 12.5% siiso dowladaha hoose ay dhamaan degmooyinku qaybsadaan macalaa Berbera iyo Gabiley.

S.land waxa ay leedahay 15 kastam, afarta kastam ee ugu waaweyni waa; kastamka Berbera waxaana ka soo xarooday $125 Milyan, Kastamka Kalabaydh $32 Milyan, kastamka Saylac $14 Milyan,  Kastamka Garoonka Diyaaradaha Hargaysa $9 Milyan iyo kastamyadda kale oo soosaaray wadar ahaan $11 Milyan. (WHM2019)

2019 dowladda dhexe Wasaaradda Maaliyadu waxa ay gooni u siisay Berbera iyo Gabiley lacag kor u dhaafaysa $15.7 Milyan iyadda oo fulinaysa xeerka Lr.12 qoddobka 14aad farqadiisa 1aad Kastamka Gabiley ee Kalabaydh waxa ka soo baxay dakhli dhan 32 Milyan 32*10%=3.2, Berbera 121*10%=12.1

Sidda uu dhigayo xeerka midayntu cashuuruhu, xoolaha nool waxaa lagu cashuuri karaa degmadda u dambaysa ee lagu kala iibsanayo ama dhoofinayo, jaadkana waxa lagu cashuuraya meesha ugu horaysa ee uu ka soo galo. Jaadka waxa loo cashuurayaa si ka duwan sida xoolaha, maxaa yeelay qaadka oo dhan waxa lagu cashuurayaa 90% hal meel waana Kastamka Kalabaydh. Qaadka kalabaydh lagu cashuuro waxa lagu iibiyaa dhamaan magaalooyinka, degmooyinka iyo tuulooyinka Somaliland, cashuurta ugu badan waxa bixiya magaalooyinka jaadka u badan ku qayila.

 

Xeerkani lr.12 wuxuu odhanayaa aan soo qabto tusaalaha koowaad haddii dalka ay soo galaan 100 kiloo oo qaadi, cashuurta kiiloo walbaa na la saarayna tahay 1000 Shillin, cashuurta jaadkaasi waxa ay noqonaysaa 100,000 Shillin. Waxa Gabiley loo reebayaa 100,000*10%=10,000 Shillin. Bal qiyaas inta kiiloo ee qaadka Somaliland soo gala maalintii iyo sanadkii? Reer Gabiley imisa ayay qaadkaas ka isticmaalaan?

Si aynu u ogaano cida dhabta ee cashuurta bixisa, waxa aynu eegaynaa 100-kii kilo ee qaadka ahaa halkay tageen iyo cida iibsatay oo ah cida cashuurta bixisay. 30 kiiloo waxa ay tageen Borama (30*10,000=30,000 Shilin), 30-na, Burco (30*10,000=30,000 Shilin), 30-na Laascaanood (30*10,000=30,000 Shilin), 10-na Gabiley (10*10,000=10,000 Shilin). Boqolki kiiloo yaa bixiyay cashuurtiisa bal fiiri.

2019 qaadku waxa uu ahaa shayga cashuurta u badan ay ka heshay $52 milyan cashuraha guud 23%. 52-kaas malyan, 32 milyan oo doolar oo ka mid ah caashuurtaa waxa lagu qaaday kastamka Kalabaydh. Dadka reer Gabiley qaadka waxa ay ka isticmaaleen 0.9%, xeerku waxa uu u saaciday inay hesho 32*10%=3.2 hadda ma ahin isticmaalayaasha (real users) iyo cashuur bixiyayaaasha dhabta ah (real taxpayers) ee qaadkaaasi badi bixiyay.

Tusaalaha labaad Hadii Markabka ku soo xidha Berbera oo uu sido 10,000 tan oo sonkor ah. cashuurta halkii tan walbaana la saarayna tahay 1000 Shillin, cashuurta sonkorta markabkaas waxa ay noqonaysaa 10,000,000 Shillin. Waxa Berbera cashuurtaas ku yeelanaysaa 10,000,000*10%=1,0000,000 Shillin (Hal Milyan). Markabkan cashuurtiisa ma reer Berbera ayaa bixiyay mise Hargaysa oo dadkeedu iibsadeen alaabtaas waxa cashuur ma ku leedahay sonkortaas oo dowlad kab ma uga qaaday? Jawaabtu waa Maya. Waayo meel kale ayaa soo cashuuratay.

Fiiri boqolkii tan 40 Hargaysa ayaa leh, 30 Borama, 20 Ceerigaabo, halka 10 tan Berbera gudaheeda lagu isticmaalay. Cashuurtii u badnayd ee kastamka Berbera yaa bixiyay ma shicibka Berbera mise Hargaysa mise Boram…………  Tacriifadda cashuureed ee Lr.12 ayaa u kala sed buriyay oo si gooniya Berbera mucaawimo gooniya u siiyay.

Xaqiiqatan lacagaha kasoo xerooda kastamyadda Berbera iyo Gabiley ma aha waxa ay labadaas magaalo soo saaraan e waa cashuurtii laga qaaday alaabta ka soo degay dekeda iyo qaadka lagu cuno Somaliland. Ma jirto innaba xaquuq dheeraad ah oo ay kaga xigaan degmooyinka kale si loo naasnuujiyo. Ogowna hadda labadani degmo lacagta intaas leeg ee ay heleen ma ahin cashuur-bixiyayaasha dhabta ah (real Taxpayers) ee ay ka soo baxday se nasiib darro xeer baa u xalaaleeyay cashuurtii ummadda.

Hadii qodobku odhan lahaa magaalo walba qaadka u socda ha cashuurto si dhaqaalihii ka baxay dib loogu celiyo, sax ayay ahaan lahayd, haddii la odhan lahaa dowladda dhexe si guud kabka magaalooyinka ha ugu qaybiso sax ayay ahaan lahayd se qaadka magaalooyinka Somaliland oo dhan lagu cuno la yidhaa Gabiley ha cashuurato, waxa la curyaamiyay dakhligii degmo       X ay ka heli lahayd qaadka, sidoo kale waxa meel kadhac ay ku tahay wasaaradda Maaliyada oo loo igmaday ururinta cashuuraha.

Xeerkan ujeedada dan iyo dhaqaale ee laga lahaa maxay tahay Xasan Garnayl oo faalooyin qurux badan ka qoray waxa uu qabaa ana aan la qabaa Alle ha u naxariistii Madaxwayne Maxamed X.ibraahim Cigaal xeerka waxa uu uga dan ;ahaa saddex qoddon;

  1. In degmooyinkaasi uu ka soo jeedo ay hellaan dakhli badan si ay wax qabadn ka balaadhan ka dalka kale looga hirgaliyo.
  2. In ay noqoto kiishad reerku (Habar Awal) u gaar ah, oo looga faa’iidaysan karo loollanada siyaasadda. Labada Maayir ee labadaas degmo lacag badan ayey ku bixiyeen ololihii Muuse Biixi lagu dhisayay.
  3. Ta ugu muhiimsan oo ah in sheeko la abuuro (narrative) nuxurkeedu yahay in labadaa degmo dalka kale ka hodan sanyahiin, laguna ixtiraamo dakhli soo saarkooda, iyaguna ay meelahaas kaga fanaan.

Maxsuulkii ama natiijadii xeerkani waxa uu noqday in miisaaniyadda ay ku shaqeeyaan labadaas degmo ay ka bataan miisaaniyadaha Borama iyo Burco.

 

Bashir Maxamed Bashir

Borama, Awdal

Bashiirmaxamed653@gmail.com

5-June-2020