Ma aqaan si aan wax u qoro iyo wax aan qoroba, ma garanayo meel aan ka bilaabo. Qalinkaygu waa ka masuugayaa in uu wax qoro, fikirkayguna waa filiqsan yahay. Waydiinta i hortaalla ayaa ah; side ayaan u tahli karaa in aan wax uga qoro buunigan weyn ee Alle yaqaanka ah, mase awoodaa in aan u garto xuquuqdiisa wax ka mid ah?
Aqoonyahankan aqoontiisu buuxdhaafisay arladan, ma jirto goob aanay joogin arday, dad jecel iyo kuwo daneeyaba. Waa aqoonyahan aanay dhiganayaashiisu ka madhnayn maktabad dunidan guudkeeda ka dul qotonta, Buugtiisuna waxa ay u noqdeen Culimada iyo dadka wax baadhaba marjic iyo tixraac.
Muddo hore, waxa aan naawilayay in aan wax ka qoro aqoonyahankan aqoontu biyo dhigtay, isla jeerkaana wax badan ka akhriyo qormooyinkiisa. Qoraallada lagu faaqido shakhsiyaddiisa, aqoontiisa, tabaha uu raaco, taariikh nololeedkiisa, dedaalladiisa iyo go’aannadiisu ma aha kuwo ka dedan dadka.
Waxa ka mid ah kuwo -qormooyin- aan wax ka bartay oo aan jeclaystay wax u dhigma in aan qalinka ku duugo. Waxa kale oo jira qormooyin laga qoray oo ilduufay wixii uu mudnaa.
Qalinkaygu igu ma kaalmeeyo in aan wax ka qoro wadaadkan weyn, mar alla iyo marka aan hollado in aan wax ka qoro, waxa aan dareemaa sidii oo aan ahay ilmo yar; oo aan aqoon qoraalka, isla jeerkaana aan garanayn sida qalinka loo qabsado, iskaba daa in uu wax ka qoro e.
Qaybaha noloshiisa halkeen beegsadaa, badihiisa baddeen dhex mushaaxaa?
Ma waxa aan ka bilaabaa halkii uu ku dhashay ( Safd Turaab), mise “Dhashii tuulada iyo buugga” ayaan ku balaysimaa sida uu isku tilmaamay Sheekhu, isaga oo noqday aqoonyahankii ummadda iyo Fiqi-dhaadhigii casrigan.
Waxa aan ku gaabsanayaa ka hadlidda xidhiidhka uu la leeyahay tuuladiisa, oo ah tuulo ballaadhan oo leh muuqaal la yaqaan, se waxa baadisooc u ah in ay tahay tuulo fil weyn. Waa tuulo soo jireen ah oo xididdadeedu xidhiidhsan yihiin min wakhtikgii Fircoon, Roomankii illaa xilliyadii Islaamka.
Waa goob ay soo cago dhigteen Asxaabtii -Alle ha ka raalli noqdee-. Waxaa degay Cabdillaahi Bin Xaaris Al-Subaydi. Isaga oo ah weriyaha Axaadis dhowr ah oo ay soo saareen Axmed, Abuu Daa’uud, Tarmidi iyo Ibn Maajah. Ammintii Masar la furtay ayuu yimid, halkaasaanu ku negaa illaa uu ka geeriyooday sannadkii 86kii Hijriyada. Waa Asxaabigii u dambeeyey ee Masar ku god gala.
Waxa ay tuuladani la gaar tahay, in ay tahay hoygii aqoonta iyo Culimada; laga bilaabo Cabdillaahi Bin Xaaris, kuna soo afmeeranta Qaradaawiga aqoon yahanka ah, Barbaariyaha ah , Fiqi-dhaadhiga ah, Mujaahidka ah, maansayahankan iyo hal-abuuraha ah.
Sheekha waxa ku kulmay tilmaamo ay faro-ku-tiris tahay in laga wada helo hal qof. Waxa ka mid ah: deeqsinimada, samafalka, kaalmaynta, waji-furfurnaanta, walaalaynta dadka, naxariista, kalgacaltinimada, is-duldhigga, sidaasaanu ku hantay qalbiyada dadka Muslimiinta ah ee dunida guudkeeda ku uuman. Xitaa waxa uu hantay kuwa aan Muslimiinta ahayn ee daacadda ah.
Sheekhu waxa uu dul iyo dulqaadba u leeyahay weedhaha xaqdarrada ah ee ay ku soo ganaan waxmagaratada iyo danaystayaasha Aakhiradooda ka doorbiday shilimaad adduunyo; iyaga oo raaligalinaya madaxdooda amaba ilaashanaya lufluf yar oo adduunyo. Sida uu yidhi Gabyaagii Carbeed:
โwaxa uu igula soo dhiirradaa
maangaabku afxumo oo dhan
Anna waxa aan ka sheexaa in
aan u jawaabo,
maangaabni baa ay geyeysiisaa -isaga-
Anna dulqaad baan korodhsadaa,
miyaad ka habaabi Cuud kulku
uu u kordhiyay udgoon oo kale.โ
Olololayaal sumcad dil ah iyo iskudayo dil ayaa loo maleegay, se dhammantoodba guuldarro ayay ku dambeeyeen. Waxaa lagu baacsanayaa waa: maxaad xaqa u daafacaysaa, maxaad dulmanaha ugu gargaaraysaa?! tabtaas baanu waligii ahaa.
Waxa ayaandarro ah in magaca “Qaradaawi” noqdo mid weerar u joog ah. Dalkiisa Masar xataa waxa lagu shiddeeyaa waxyaallo aan sidaa u sii ridnayn gudo iyo dibad ba. Shaygii la soo hadal qaadaba magaca ‘Qaradaawi’ ayaa ku ladhan. Waxaabu ku noqday laf-dhuun-gashay hoggaamiyayaasha dhul biiska ah iyo kuwo aqoon lagu tuhmo.
Waxa uu Sheekhu ka hirgaliyay tuuladiisa mashaariic wax-ku-ool ah, waxaana ka mid ah: kuwo waxbarasho, Caafimaad iyo waxyaallo kale. Waa mashaariic ay baahi u qabtay tuuladiiso, waxaanay ka ahayd abaalgcelin, waligeedna hilmaami maayo, dubaaqiisana waa ay ka guuxdaa mar walba.
Gu’yaal hore waxa uu Sheekhu ka hirgaliyay tuuladiisa xarun waxbarsho oo leh Madarasaddii Qur’aanka, machadkii aqoonta diinta, Qaybta Barashada Afka Carbeed iyo iwm. Waxa uu dhisay Masaajid, Maktabad aqooneed iyo xarun caafimaad oo u adeegta tuulada iyo deegaannada ku hareeraysan. Se waxaas oo mashaariic ah markiiba dagaal baa lagu qaaday ay hor kacayso dowlad marka horeba dhufays ugu jirtay, waayo ma ay oggolayn mashaariic horumarineed iyo bulsho aqoon ahaan kobocda.
Waxa keliya ee weeraradaas marmarsiinyo looga dhigtay waa in Qaradaawi ku lug leeyahay mashaariicdan. Kani waa muuqaal ina tusinaya musuqa ka jira Masar ee ku suntan baacsashada Culimada iyo mashaariicdooda aqooneed iyo fikir ba.
Markii uu dhacay kacdoonkii 25kii Jeeniwari ee dunida oo dhan gilgilay, kagana yaabsaday kacdoon nabadeed iyo geesinnimo ashqaraar leh , loona aqoonsaday dhacdadii ugu qaayaha weynayd marka laga tago furashadii Masar; ayaa waagaas uu Sheekhu doonay in uu dhammaystiro mashaariicdii uu bilaabay, jeeroo uu meel fiican soo gaadhsiiyey; se maxay kuugu taal, waxa ay noqotay hal bacaad lagu lisay.
Waayo waxa ay askartu inqilaabeen sharciyaddii, arrimuhuna waxa ay ku noqdeen halkii ay ahaayeen Kacdoonka hortii. Mayee xaaladdu waa ka sii dartayba. Waxaana hakaday mar labaad mashaariicdii uu Qaradaawi ka waday deegaankiisa.
Alle sheekha ha ka abaaliyo, si kasta oo loo curyaamiyey mashaariicdiisa, tab kasta oo kelitaliyayaashu dagaalkiisa u mareen, waxa uu leeyahay Alle abaalmariya qof kasta oo waxqabad san suubiya.
WT: Hamze Mohamed Muse