Siyaad Barre oo Farmaajo ka waraysanaya Siyaasadda Soomaaliya. (WQ: Cali Cabdi Coomay).

Waa sheeko mala-awaal ah, oo Maxamed Siyaad Barre ka waraysanayo Maxamed Cabdilaahi Farmaajo siyaasadda Soomaaliya. Magaca waxa aan u soo gaabiyey sidan. MSBarre: Maxamed Siyaad Barre.
MSBarre: Adeer ka warran Siyaasadda Soomaaliya, waan ku farxay inuu mar kale Mareexaan kursiga fuulo.
Farmaajo: Jaalle waan run oo kursigii waynu ku soo noqonay, oo waxa aan ka faa’iidaystay kala qaybsanaan dhextaalay Hawiye, oo Abgaal iyo Habargidar ayaan ka dhexqaatay
MSBarre: si fiican waan maqlay in Soomaaliya ay sarifantay, oo Isaaq Soomaalilaan la baxay, Majeerteena Puntland, Habargidar Galmudug, Xawaadlana Hirshabeele, Raxanweyne Koonfur galbeed, Ogaadeena Jubbaland. Maxaa intaa ka dambeeyey? Beelihii kale ee Waqooyi (Soomaalilaan) deganaa maxay yeeleen?
Farmaajo: Jaalle, Isaaq ayay ku raaceen inay goostaan oo weliba Beesha Gadabuursi ayaa 8 sannadood madaxweyne ka ahayd Waqooyi(Soomaalilaan).
MSBarre: Iimaanlaawayaasha Isaaq waa lagu yaqaana khiyaamda. Dhulbahante Sayidka iyo Kacaankaba waxa ay ka caawiyeen dhinaca askarinnimada, oo iyaga warkoodu ma dheera.
Farmaajo: waa runtaa, xilligan waqooyi (Soomaalilaan) waxa madaxweyne ka ah nin Muuse Biixi la yidhaa oo ka mid ahaa saraakiishii ciidankii cirka ee xoogga, hasayeeshee sannadkii 1985 SNM (Qudhmista) u tallaabay oo ka mid ahaa hogaamiyeyaashii dagaallada ba’an la galay ciidankii xoogga. Khudbadahiisana wuxuu inta badan kaga hadlaa wixii SNM idin dhexmaray. Aniga oo ka faa’idaysanaya aqoonsiga ay dawladaydu haysato ayaan dagaal siyaasadeed iyo mid dhaqaale aan kula jiraa, oo haatan waanu isku jirnaa.
MSBarre: Haa, aad uma xusuusto ninkaasi bal waxaad weydiisaa haddii uu nool yahay Khaliif Ciise Mudan oo ciidanka cirka ahaan jiray. Haddii SNM (qudhmista) dagaal xabbad ahi na dhexmaray, adigana dagaal siyaasadeed ayaa idin dhexmari doona. Iimaanka laga qaad wax kasta xabbad ayey ka doorteen. Hawiyuhu siday kugu yihiin?
Farmaajo: Jaalle, Habargidar ayaa igu kacsan, Abgaalku way iska degan yihiin, inkasta oo ninkii kursiga iiga horeeyey oo Xasan Sheekh la yidhaa oo imika ku dhexjiro
MSBarre: Iimaanka laga qaad, Habargidar maaha kuwa loo taag helayo. Habargidar waxa gacanta ku qabta Majeerteenka, oo waa tii hore loo yidhi” Habargidar casuumad Hawiye u fidiyo waxa ay ka jecel yihiin salool guri Majeerteen lagu siiyey”. Markaa haddii aad heshid siyaasiyiin Majeerteen ah la kaasho. Abgaal xoogsi iyo shaqo ayaa u daran. Ka warran iyaga Majeerteenka?
Farmaajo: way igu kacsan yihiin iyana, oo waxa ay wada socdaan Sacad-kii reer Gaalkacayo, oo waxa ay wadaan is-bahaysigii mataanaha Mudug.
MSBarre: Sacad-ku Majeerteenka weligood baran maayaan, waanay khiyaamayn doonaan. Majeerteenka weligii ha aaminin, waayo waa dhuxun ku reeb kolb meel kaa qaniinaya. Waxaad dib-u-soo noolaysaa is-bahaysigii (MODH) ee Mareexaan, Ogaadeen iyo Dhulbahante. Kaasi ayaa kaa difaaci kara. Cadowgii Xabashida maxaad kala yeesheen?
Farmaajo: Jaalle Siyaasaddii Xabashidu way is-beddeshay oo Oromadii ayaa hadda xukunta, markaa waanu heshiinay oo waxa aanu wad wadnaa in dalalka geeska afrika la mideeyo.
MSBarre: Arrintaasi hore ayey ii soo martay oo madaxweynihii Kuuba Fiidal Kastaroo ayaa beri iila yimid, hasayeeshee shuruud ayaan ku xidhay, manay suurtagelin. Markaa aad uga fiirso, Oromada maskaxdoodu waxa ay aragtaa waxa hortooda yaale uun, mustaqbal iyo fikir kale midna ma leh. Ciidankii shisheeye ee ku ilaalin jiray weli miyey kula joogaan?
Farmaajo: Jaalle haa way ila joogaan oo inta aan deganahay iyaga ilaaliya, oo shacabkii Hawiye iyo Al-Shabaabkii ayaan la kala garanayn oo isku dhexmilmay, markaa si kale ka jirto.
MSBarre: Intaad meesha joogto isku day inaad ciidan xoogan dhisato oo aad kaga maaranto ciidankan shisheeye.
Cali Cabdi Coomay
Suxufi, qoraa ah.
Hargaysa, Soomaalilaan
Calicoomay@hotmail.com