Siyaasad Habarjeclaa dishay, Saldanadna Sacad Muusaa Dilay (WQ: Aadan Bullaale Qawdhan)

  1. SIYAASADA

Waayihii hore siyaasadu waxay ahayd mid  ay hagaan dad ehel u ahi, cidda mansab loo dhiibayaana waxay ahayd mid loo eego ugu yaraan inay leedahay faham ku aadan xilka loo dhiibay iyo waajibaadka ku gadaaman ee laga rabo inuu guto, bal u fiirso, maanta layaabka taagan, waxaad arkaysaa hablo iyo wiilal yaryar oo xilal ka mug weyn loo magacaabay, kuwaasoo iska daa wax kale,e, dhukumentigii lagu magacaabay ku baahiyay shebekadaha warbaahinta ee maxaliga ah, isweydiintu waxay tahay, sidee bay kuwaasi ku ilaalin karayaan sirta xasaasiga ah ee Hay’adaha dawliga ah ee loo dhiibay ay leeyihiin, tanina waa mid ku ugub ah Taariikhda Dawladdnimada Soomaliland, waana mid lagu xasuusan doono siyaasadda socod-baradka ah ee maanta ay H/jeclo dalka ku hogaamiso, markaas allleylehe Siyaasad iyo Dawladnimo H/jeclaa dishay.

  1. Saldanadda

Marka dib loo miliilico hiddaha saldanadda, cidda Saldanad loo dhiibayaa waxay ahayd mid la tijaabiyay, la shirabay, iyadoo si gaar ah diiradda loo saari jiray dhinaca akhlaaqiyaadka, dabeecadda, xishoodka, dadwadnimada, dulqaadka, dadyaqaanimada, io kartida hogaamineed ee cidda loo dhiibayo saldanad dhaqan oo qabiil leeyahay, iyadoo dabeecadda suuban, iyo akhlaaqdu ay ahayd waxa ugu horeeyo ee la tixgeliyo.

Bal maanta u fiirso, kuwa maanta fool-horaadka taagan iyagoo madax dhaqameed sheeganaya, kuwaasoo waxa ay doonaan ku hadlaya iyagoo moogan magaca iyo taytalka ay huwan byihiin, bal u fiirso ninka layidhaahdo Suldaan SABEEYE iyo sida uu u dhaqmo, ama u hadlo, ha moogaan kan kale ee layidhaahdo Suldaan BADMADOW sida uu hadlo iyo habka uu u dhaqmo oo cidkastoo maqashaaq ay damiir ahaan oydo, iyagoo dhamaantoodba sheegta inay yihiin madaxdhaqameed ka soo jeeda Beesha SACAD MUUSE ee H/AWAL.

Isku soo wada duuboo, Saldanad Sacad Muusaa Dilay, Siyaasadna H/jeclaa dishay.

 Waxaa Qoray: Aadan Bullaale Qowdhan,

Salaxley

a.qawdhan@gmail.com