Siyaasaddda Kililka Shanaad ee Itoobiya iyo saamaynta ay ku yeelan karto Somaliland (WQ: Rashiid Odowaa)

 

Dhulka loo yaqaan (zone 5) ama kililka shanaad ee Ethiopia waxa uu ka mid yahay dhulka Somalidu degto ee lagu xisaabin jiray inuu ka mid yahay shanta Gobol ee Gumaystuhu u Qaybiyay Somalia.

Waxa uu gumaystaha Imngiriisku qabsaday 1890 dabayaaqadisii waxa uuna gacanta Ethopia ku hubsaday 1897.

Markii ay isku darsameen Somaliland iyo Somaliya ayaa waxa la bilaabay in la baadi goobo wax loo yaqaan Somaliweyn,Sidaas ayuna dagalkii 1977kii ka dhex qarxay Jamhuriyaddii Somalia iyo waddanka Ethiopia iyadoo hadafka dagaalkaa laga lahaa uu ahaa Sidii loo Xorayn lahaa Gobolka Somali galbeed ee ay haysato Ethiopia,

Dagaalkaas waxa wada qaaday jabhaddii Xoraynta Somali galbeed Western Somalia liberation Front (WSLF) Iyo Ciidankii Xoogga Dalka Somalia 1977kii dagaalkaas oo markii Hore ay Somalia ku gacan sarraysay iyagoo gabi ahaanba Gacanta ku dhigay Somali galbeed Sida Jigjiga,dhagaxbuur,Goday,illaa qaybo ka Mid ah Diridhaba,ayaa aakhirki ku soo gabageboobay Inay Somalia ku jabto iyadoo Dowladdii Ethiopa gacan ka heshay Ruushka iyo Cuba halka Somalia ay wayday cid gacan siisa sidaasna lagaga soo noqday dhulkii Somali galbeed.

Ciidamadii Somalidu waxay ku soo noqdeen Xuduudda ay Somalia la wadaagto Ethiopia hase ahaattee jabhaddii Xoraynta Somali galbeed waxay ku hadhay gudaha Ethiopia iyo ag-agaarka Xuduudaha iyagoo dagaallo goos goos ah ka fulin jiray Ethiopia Gudeheeda isla markaana taagero ka helayay Ciidanka Somalia.

Dagaalkan Culayskiisu wuxuu aad u saameeyay Gobollada Woqooyi ama Somaliland iyagoo dadka reer Somaliland naf iyo maalba u huray Sidi loo Xorayn lahaa dhulka Somali galbeed waxa kaloo woqooyi la soo dejyay Qoxootigii ka soo qaxay dhulka Somali galbeed waxana xeryo loogayagleelayAgabar,sabacad.Lasdhuurre.Biyoolay,bixin-duule,garbi-xoorre iyo dhul kaloo badan,

Haddaba waxa dhacday in jabhaddii Somali galbeed ee dhulkooda loo Xoraynayay ay ku soo guryo noqdeen dadkii reer Somaliland waxayna boob,dhac,dil iyo xadgudub ku bilaabeen dadkii reer Somaliland arrintan,oo ay qaadan kari waayeen dadki reer Somaliland fajacisona ku noqotay waxay keentay in reer Somaliland ka niyad jabeen dagaalkii Ethopia lagula jiray,waxana bilaabmay guux  lagaga soo horjeedo jabahaddii Xoraynta Somali galbeed iyo halganki lagu jiray Ethopia labadaba,sababtu waxay ahayd gardarro garab og ayay noqotay oo Xukuumaddi siyaad barre ayaa sidaas ku ogolayd.

Arrintaas waxay keentay in odayaashi reer Somaliland iyo madaxweynihii Somalia xukumayay (Siyaad barre) ay ku kulmaan muqdisho  waxanu Siyad barre ku qanciyay inay dagaalka lagula jiro Ethopia ay taageeraan sidii kolkii horeba ay u taageerayeen wixi cabasho ahna uu wax ka qabanayo,waxyaabhii ay odayashi reer woqooyi ka codsadeen waxa ka mid ahaa(1) in jabhado ay leeyhiin dadka reer woqooyi la sameeyo lana hubeeyo si ay iyaguna u galaan dagaalka iyo in la beddelo Badhasaabki (Hargeisa)Woqooyi joogay oo ahaa Bile rafle guuleed oo u dhashay Gobolkan Somali galbeed.

Siyaad barre labadi arimood wuu aqbalay waxanu u ogolaaday in jabhado la sameeyo laguna hubeeyo Qoriga loo yaqaan Kaarbiinka(SKS),sidaas ayaa lagu Unkay jabhado Meelo ay ka mid yihin Faro-wayne,Gumar.Qol buullale  xaaji saalax iyo meelo kaloo badan.jabhadahan oo ka hortagay kana waabiyay tacadigii ay ku hayeen dadka reer miyiga.

Dhinaca kalena 1978kii waxa uu Siyaad barre ka beddelay badhasaabkii (Bile rafle) waxanu ku soo beddelay Nin la odhan jray (Cumar salad cilmi) oo u dhashay koonfurta Somalia,hase ahaatee in kastoo ay arrintan dhiig joojin ahayd haddana cadhadii may joogsanin ,dhinaca kalena Xadgudubki ay samaynayeen jabahadihi Somali galbeed halkiisi ayuu ka si socday iyagoo la Ciidameeyay oo lagu daray Ciidankii Somalia isla markaana darajo lagu taxay waxana ay iyaga iyo Ciidanki Xoogga Somalia ay xasuuq ku bilaabeen dadkii reer Somaliland waxana   ka dhacday xaalad iswaydaar ah oo jabhadihi reer Somaliland loo sameeyay xadka dhinacisa kale intay u tallaabeen ayay la soo dagaalameen Somalia halkaas ayay ka samaysantay jabahadii Xoraynta (SNM).

Markii uu halganki SNM aad u xoogaystay ee faraha la iskaga gubtay  dowladdi Somalia waxay hubaysay sanadihi 1980s dadkii Ethopia ka soo qaxay ee xeryaha qoxootiga ku jray si ay u qixiyaan dadkii reer Somaliland isla markaana ula dagaalamann Jabhaddii (SNM),hase ahaatte dhul ninkisiibaa iska leh 1991 Somali land way xorowday Qoxoontigi wixii ka hadhayna si nabad gelyo ah ayaa loo saaray.

Haddaba maanta Somaliland iyo shacbigooda waxa la gudboon inay iska moosaan daad kaga soo fataha Ethiopia iyo caadifad loo qaado Somali iyo Oromo ayaa dagaalamaysa taas oo ah sawir been ah oo aanay waxba ka jirin waxana muhiim ah in Somaliland nabadgelyadeeda ka taliso iyo sidi waddamada jaarka nabad loogula noolan lahaa,iyo in aan cid lagu dhibaatayn ama Somali ha ahaado ama oromo gudaha Somalland.

Casharada taariikhda laga bartayna waa in ay qornaadan oo maalinba aan caadifad laab la kac ah oo aan la garanayn halkay ku biyo shuban doonto aan lagu lug goin.

Rashiid Odowaa

063-4101213

khadarsalaan@gmail.com