Siyaasiyiinta Beesha Samaroon Laba ha Kala Daayaan. W/Q: Cali Cabdi Coomay

= Dhawaan siyaasi Dr. Bayle wuxuu ku biiray xisbiga Waddani. Horena siyaasiyiintii ugu cuslaa ee beesha Samaroon waxa ay ku kala jiraan xisbiyada iyo ururrada tartamaya oo aanu ku jirin ururrada reer Awdal gaarka u leeyihiin. Xittaa siyaasiyiinta socod baradka ah kii ugu qaylada badnaa (Xil. Maxamed Abiib) ee hadh iyo habeen iska dhiga inuu Samaroon wax la doonaya ayaa xisbi kale dhisaya.
= Haddaba siyaasiyiinta beesha Samaroon laba ha kala dayso. In aanay ururradooda HILLAC iyo BARWAAQO dhisin oo ay ku tabcaan ururrada beesha dhexe, hadhowna ay yidhaahaan waxa soo baxay saddex xisbi oo beesha dhexe leedahay. Maanta ayaa la joogaa inaad hal urur oo deegaannada Awdal metelaa la soo saaro. Islaan Timiro la odhan jiray ayaa laga hayey” imikaan joogaaye, muxuu hadhow calaacal ii tari”.