Urur Siyaasadeedka Hilaac oo Boorama iyo Berbera ku soo Bandhigey Cududooda Taageero

Qore Khadar M .Xaashi

Ololaha doorashooyinka Somaliland ayaa galay maalintiisi 7-aad, waxaanu urur siyaasadeedka Hilaac isuโ€™soo-baxyadiisa maalinta kowaad ku ibaโ€™furey magaalooyinka Borama iyo Berbera.

Taageerayaasha ayaa muujinayay sida ay ugu faraxsan yihiin in urur siyaasadeedka Hilaac maalintiisa kowaad uu ku soo bandhigo qorsheyaashiisa mustaqbalka iyo sababaha uu u aasaasay ururkan.

Isu-soo-baxyada taageerayaasha urur siyaasadeedka Hilaac waxa qayb ka ahaa masuuliyiinta ururka ee heer gobol iyo heer degmo iyaga oo bulshada farayay in la doorto ururka Hilaac xisbinimona loo soo saaro.

Guddoomiyaha urur siyaasadeedka Hilaac Mudane Axmed Ismaaciil Samater, ayaa sheegay in uu muddo badan qabay ciil, waxaanu taageerayaasha ururka Hilaac ku booriyay si looga baxo ciilka in ay doortaan Hilaac, una soo saaraan xisbi, waxaanu bulshada ugu bushaareeyay in reer Awdal mustaqbalka madaxweyne dalka ka noqon doonaan.

Waxaanu yidhi.โ€œXilligii baryadu way dhammaatay, wakhtigii sadaqada aynu dadka weydiisaneynay way dhamaatay, waxa la soo gaadhay wakhtigii aynu is xoreyn lahayn ee aynu sameysan lahayn meel aynu ka duulo innaga oo bulshada kale ee reer Somaliland-na kaxaysaneyna, dib ayaa la inoo baran doona waxa la arki asal ahaan bulshada aynu nahay.

Somaliland wax badan ayay qabsatay muddadii 33-ka sano ahayd, balse waxa la soo gaadhay meel taariikhda imika ku cusub, wakhti adag ayaa ina horyaala, waliba reer Awdal iyaga oo JSL hor socda ayaynu ka bixi karnaa.โ€

Proff Samater ayaa si dhaw isu dul taagay sababta iyo ujeedada uu ka leeyahay aasaasida ururka Hilaac.

Waxaanu yidhi.โ€œUrurnimada macnaheedu waxa weeyi in aad yeelataan saldhig aad ka duushaan oo siyaasada dalka, sida dhaqaalaha, waxbarashada, caafimaadka, awooda waddanka meel aad ka gashaan inaad heshaan weeyi.โ€

Sidoo kale waxa uu sheegay in aanay daawadayaal ka noqon karin bulshada gobolka Awdal in markasta mustaqbalkooda ciddi maamusho.

Waxaanu yidhi โ€œMa daawan karno in wakhti kasta mustaqbalkeena ciddi gacanta ku hayso, ciilka ina haya waxaan kaga bixi karnaa urur innagu aynu leenahay, oo xisbi noqda bulshada kalena aynu la wadaagno, 13-ka November haddii aad codka bixisaan waxaan idiin balanqaadaya in dib la inoo baran doono haddii aynu nahay reer Awdal, in aynu nahay dad horumarka jecel, ilbaxa oo maskax wanaagsan leh, taasi ayaa la arki doona, marka xigga hoggaanka JSL ayaynu gacanta ku qaban doonaa, sidaasi ayaynu ku ciil bixi doona, balankeenu waa 13-ka November Hilaac iyo lambarka 7-aad,โ€

 

 

 

 

 

Xigasho:wargeyska dawan

bandhige@gmail.com