Ardayda Dugsiga Riis oo lagu Tababarayo sidii ay uga Badbaadi-Lahaayeen Khataraha ku Gadaaman

Qore Khadar M .Xaashi

Dowladda hoose ee caasimada Hargeysa, gaar ahaan xafiiska maareynta khataraha iyo masiibooyinka ayaa kulan balaadhan u qabtay qaarka mid ah arday wax ka barata dugsiga Sheekh Cali Cismaan (Riis), ee magaalada Hargeysa.

Kulkan ayaa ujeedadiisu ahayd sidii ardayda loogu wacyigeinlahaa korna loogu qaadilahaa fahankooda khataraha ku xeeran dugsigooda, gurigooda iyo meelaha kale ee ay maraan.

Kulankan ardayda lagu barayay sidii ay badbaadilahaayeen khataraha ka jira meelaha ay sida joogtada ah u isticmaalaan ayaa waxa ka qayb galay maamulka dugsiga Sheekh Cali Cismaan (Riis),, madax ka socotay hay’adda Danwadaag, agaasimaha waaxda arrimaha bulshada ee dowladda hoose, guddoomiyaha degmada Gacan-libaax iyo agaasimaha maamulka iyo maaliyadda ee dowladda hoose ee Hargeysa.

Madaxa xafiiska maareynta khataraha Mudane Cali Dheereeye, waxaanu siguud u sharaxay kulankan iyo ujeedadiisa iyo sidii ardayda kor loogu qaadilahaa fahankooda la xidhiidha inay ogaadaan khataraha ku xeeraan.

Geesta kale madax iyo masuuliyiin kala duwan oo kulankaasi ka hadlay sida maamulka dugsiga iyo masuuliyiinta hay’adda Danwadaag, waxaaney maamulaha dugsiga Sheekh Cali Cismaan (Riis), dowladda hoose uga mahadcelisay sida ay u daneyneyso inay ardayda ku tababarto khataraha ku xeeran iyo sidii ay uga badbaadilahaayeen.

Masuul dowladda hoose ka tirsan ayaa sheegay in waxa ugu yar ee ardayda ku tababarayaan uu yahay sidii feejignaan dheeriya ugu yeelan lahaayeen khatarta ka soo gaadhi karta musbaarka kursigooda kuyaala, waxaanu xusay in ujeedada loo socda ay tahay sidii ay ardaydu uga badbaadilahayd in ay ka badbaadaan khataraha ku gadaaman.

 

 

 

 

Figas ho:wargeyska dawan

bandhige@gmail.com