Tababbar Muhiim ah oo loo soo Gaba-gabeeyay Hawl-wadeeno ka Mid ah Wasaaradda Beeraha JSL.

Maalinimadii Khamiista ee doraad ayaa la soo gunaanaday Tababbar labadii Maalmood ee u dambeeyay u socday hawl-wadeennada Wasaaradda Beeraha JSL.

Tababbarkan oo ku qabsoomay xarunta dhexe ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha ee Magaalada Hargeysa, ayaa qayb ka ahaa Mashruuca dhisidda awoodda hayโ€™adaha dawliga ah, iyadoo Wasaaradda uu Mashruucaasi ka taageerayo horumarinta siyaasadaha ilaalinta cuntada qaranka, is- kaashatooyinka beeralayda, siyaasada suuq-geynta iyo siyaasadda fidinta wax soo-saarka Beeraha.

Xidhitaankii Tababbarkan waxa ugu horrayn ka hadlay Cabdiqani Xasan Cabdi oo ah xidhiidhiyaha mashruuca Awoodaynta Hayโ€™adaha Dawliga ah oo Hayโ€™adda cuntada Adduunku (WFP) gacanta ku hayso, waxaanu ka warramay ahmiyadda ay leedahay in Qaranka looga faaโ€™ideyo Mashaariicda noocan ah ee lagu awoodaynayo Hayโ€™adaha Dawladda ee Wasaaradda Beeruhu ka midka tahay.

Waxa kale uu ka warramay ahmiyadda uu leeyahay nidaamka digniinta hore (EWS) iyo in la sameeyo xog-ururin, si loo ogaado inuu jiro habka nidaamka digniinaha iyo caqabadaha ku gedaaman.

Mareeyaha mashruuc, waxa uu ku dardaaray shaqaalaha tababbarkan qaatay inay muujiyaan xilkasnimmo iyo lexajeclo, si loo helo xog hufan, isagoo u mahad-celiyey Hayโ€™adda WFP

Agaasimaha cududda shaqaalaha ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL Axmed-werdi Xasan oo isaguna halkaa ka hadlay, ayaa iftiimiyey sida ay lagama maarmaanka u tahay in la xoojiyo xirfadda shaqaalaha Wasaaradda Beeraha, isagoo carrabka ku dhuftay in ay shaqaalaha tababbarka qadanayaa ay muujiyaan adkaysi iyo samir, maadaama ay safar ugu baxayaan gobollada dalka.

Waxa kale oo hadalka qaatay Cabdirashiid Raage oo ka socday Hayโ€™adda (WFP), waxaanu ka hadlay wada shaqaynta ay leeyihiin WFP iyo Wasaaradda Beeruhu, waxaanu tilmaamay oo uu bogaadiyay in masuuliyadda ay qadeen shaqaalaha WHB ay tahay mid awal dad kale qaban jireen.

Waxa xusid mudan Inay iyaguna halkaas ka hadleen Agaasimaha Waaxda saddaasha Hawada ee WHB Cabdinaasir Xuseen, Agaasimaha Waaxda qorshaynta ee Wasaaradda Beeraha Ibraahim Cumar iyo Cumar Cabdillaahi oo ah la-taliyaha Wasiirka Beeraha JSL.

 

 

 

 

Xigasho:wargeyska dawan

bandhige@gmail.com