Golaha Amniga Qaramada Midoobay ma Rabaan in Lala Qaybsado Awooda ay Leeyihiin

Qore Khadar M. Dhako

Aqoonyahan Dr. Maxamed Warsame Ducaale ayaa sheegay in shanta waddan ee golaha ammaanka ee leh awoodda fiitoo baawarka, in aanay ogolayn in lala qaybsado awooda ay ku leeyihiin golaha ammaanka qaramada Midoobay.

Dr. Maxamed Warsame Ducaale oo u Waramayay Laanta afka Soomaaliga ee Idaacada BBC-da ayaa waxa uu tilmaamay in Qaramada Midoobay la aasaasay bishii January ee sannadkii 1920. Taas oo loogu magacaabay in uu noqdo gole ay u dhanyihiin waddamada adduunku.

Dr. Maxamed Warsame oo arimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi โ€œQaramada Midoobay waxa la aasaasay bishii January ee sannadkii 1920, waxaana lagaga wadahadlay nabada aduunka, waxaana ugu badnaa wadamada Yurub, ka dibna waxa la yidhi aynu samayno golaha amaanka oo ah shantii wadan ee ku guulaystay dagaalkii labaad ee aduunka oo kala ah Ruushka, Faransiiska, UK, USA iyo China, intaas ayaa la yidhi ha la haadaan awooda fiito baawarka iyo toban wadan oo joogta ahayn oo labadii sannaba mar la doortoโ€.

Sidoo kale Maxamed Warsame ayaa waxa uu tilmaamay in aanu filayn in Afrika ku soo biirayso Golaha amniga ee qaramada Midoobay. waxaana uu yidhi โ€œMa filayo in Afrika ay ku soo biirayso Golaha amniga ee qaramada Midoobay, Maraykanka waxa ay soo jeediyeen in labo Wadan oo Afrika ah lagu daro Golaha amniga Qaramada Midoobay oo aan la hayn awooda fiitoo baawarka, taasna Afrika ma ogolaanayso shanta wadan ee Golaha amniga Qaramada Midoobay ma rabaan in lala qaybsado awooda ay leeyihiinโ€.

 

 

 

 

Xigasho:wargeyska dawan

bandhige@gmail.com