Somaliland: Ficilkeena iyo waxaynu rabnaa isma waafaqsanna:
Sanadkan waxa loo asteeyey inuu noqday sanadkii ugu xadhiga badnaa ee Somaliland soo maray, taas oo lagu xidhay xoriyada hadalka dad gaadhaya 88 qof oo iskugu jiray suxufiyiin, dad caadi ah iyo siyaasiyiin.
Doorkan laba wax ba way ku cusub yihiin, dadka caadi ah iyo siyaasiyiin in la xidho, waa ugub,
Xarunta xuquuqda aadanaha Somaliland ayaa diyaarisay tacadiyadan, waxaanay hoosta ka xariiqday inay ku sii badanayaan Somaliland xaaladda ka dhanka ah xuquuqda aadanaha iyo xadhiga sharci darada ah.
Sababta dhalinyaradda kala aragti ka dhigtay ย iyo inay doodaan waxa keenaysa 28 sanno ka dib waxa la isku haysta doorasho ka dhacdo iyo muddo kordhin ka dhacdo, xariyatul qawlka ha la ilaaliyo iyo jeelka liinta ku cabo.
Waxaasi oo dhami waxay caqabad ku tahay xukuumadda hada jirta, dal ictiraaf doonaya sidan aynu imika u dhaqmayno uma dhaqmaan wax aad ku soo jiidan karto caalamka maaha jidkan aynu haynaa.
Itoobiya boqol sanno siday u dhaqmi jireen ayey bedeleen oo ay doonayaan inay u gudbaan dimuqradiyad iyo xoriyatul qawl, waana sababta maanta caalamku indhaha ugu hayo hogaamiyaha daโda yar ee ku dhiiiraday inuu bedelo jihadii ย Itoobiya ku dhaqmi jirtay.
Hadaynu doonayno inay tusaale noqono oo maalinba dal ka degno oo si meeqaam sare la inoo soo dhoweeyo aynu u dhaqano sidii dad wax doonaya oo aynu la tartan Yurub iyo Maraykan ee yaan dib loo noqon.