Qaybta Saddexaad: Concrete operational stage.
Marxallada saddexaad ee koritaanka garaadka ilmuhu waa marxallada Jean Piaget u bixiyay “Concrete Operational Stage” oo u dhaxaysa da’da todoba sano ilaa 11 sano. Waa Maxay marxalladan astaamaheedu?. Waa maxay xirfadaha garasho ee ilmuhu kasbado inta uu ku jiro da’dan?.
Marxalladani, sida aynu tilmaanay, waxay ka bilaabantaa da’da todoba jirka, ilmuhuna waxa uu bilaabaa in uu u fikiro hab sababaysan oo maan-gal ah. Ilmuhu waxa uu gaadhay da’ uu adeegsan karo hab-fikir iyo gorfayn xeerar la fahmi karo leh ( logical thinking). Hasayeeshee, garaadka ilmuhu waxa uu gorfayn karaa wali arimaha uu arki karo ee uu taaban karo; waana sababta marxalladan loogu bixiyay “concrete operational”.
Sida la ogyahay dadku laba hab ayay wax u taxliiliyaan si ay natiijo u gaadhaan. Isla labadaa hab ayaa loo adeegsadaa cilmi-baadhisaha si daah-fur cusub loogu ogaado ama xaqiiqo hore u jirtay loo maydhaamo. Labada hab waxa la kala yidhaa “Inductive reasoning” iyo “Deductive reasoning”.
Inductive reasoning waxa uu ku salaysan yahay marka qofku raadiyo xeer guud isagoo ka shidaal qaadanaya khibrad gaar ah. Tusaale; hadii qofku ku qanco in markasta oo uu ubax ursado, in ildhuhu ilmeeyaan, sanku darooro, dalqaduna cuncunto, taasina ku qanciso in uu xasaasiyad ka qaado ubaxa oo dhan. Khibrad gaar ah oo la soo deristay ayuu ka soo dheegtay go’aan guud oo ah in uu xasaasiyad qabo.
Dhinaca kale, Deductive reasoning waxa uu caksi ku yahay habkaas hore. Qofku waxa uu dersayaa xeer guud si uu u go’aamiyo natiijada kasoo bixi karta dhacdo gaar ah. Tusaale ahaan, hadii aynu kasoo qaadno in B=C isla markaana C=D, waxaynu ka fahmi karnaa in B=D. Si aan ugu soo dhawaado ujeedada, caruurta marxalladan saddexaad ku jirtaa waxay si fiican u fahmi karaan Inductive reasoning, waanay ku adagtahay in ay si fudud u adeegsadaan mala’awaal ku salaysan gorfaynta aynu ku magacownay Deductive reasoning.
Marxalladan Koritaanka ilmaha waxa ku biira xirfado kale oo muhiim u ah aqoon korodhsiga. Caruurtu waxay bartaan in shay ama tiro la bedeli karo, laguna celin karo asalkiisu wixii uu ahaa; arintan waxa la yidhaa “Reversability”. Arintan waa tusaale fiican u ah shaxda isku dhufasha xisaabta iyo isu-qaybinta oo aanay caruurtu awoowin in ay fahmaan inta ka horaysa marxalladan saddexaad. Midd kale oo ka midd ah xirfada uu kordhisto garaadka caruurtu waxa lagu magacaabaa Conservation. Ilmuhu waxa uu fahmi karaa hadii shay la jejebiyo in aanuu cufkiisii iyo culayskiisii is bedelin; taasina waa fikrada lagu saleeyay barashada xisaabta jajabka ee da’dan.
Xirfad-garaaddeed kale oo ilmuhu kasbado ayaa ah awooda abla-ablaynta “Classification ability”. Jean Piaget waxa uu tijaabadiisa ku soo saaray in da’dani ay tahay xiliga caruurtu si fiican u fahanto in shay’yada la isu raacin karo sida ay isugu astaamo dhow yihiin. Hadii loo dhiibo qalab ciyaareed tira badan , Ilmuhu waxa uu awoodaa in uu u qaybiyo dhowr edeg oo midd walba uu ku ururiyo inta astaamo wadaagta; sida muuqa, miisaanka, midabka ama adeegsiga.
Marxalladan saddexaad ee Jean Piaget u bixiyay Concrete Operational, waxa sii yaraata isku koobnidii uu ilmuhu isaga uun is aaminsanaa “egocentrism”, waxa uu bilaabaa in uu tallada ku darsado, aragtida, caadifada iyo falcelinta dadka kale marka uu go’aan gaadhayaan.
Caruurtu waxay u gudbaan heer la yidhaa “sociocentric” ama bulshaawi-nimo. Waxa qiimo la yeelata saaxiibtinimada; ciyaarta guriga dibadiisa ah; waxay muhimmad gaar ah siiyaan fikrada saaxiibadii isaga ka qabaan; waxaan ay bartaan sida loo gorgortamo, loo adeegsado qallabka wax qancinta iyo galagalaysida iyo sida looga faa’iidayso god-daloolada jaalkiis.
Inkasta oo ay waxbadan oo xirfadaha xalinta khilaafka ah korodhsadaan, garaadkooduna usii durko midd taabo gal ah oo kakan, hadana waxa caruurta da’dan ku jirta ku adag hab-fikirka nooca loo yaqaan “Abstract reasoning and Hypothetical thinking”.
Abstract reasoning waxa weeye awooda garaadka qofku u yeesho in uu gorfeeyo xog si uu u tilmaamo xidhiidhada u dhexeeya xaqiiqooyin lama arkaan ah; Sida in uu qofku fahmo isku xidhnaanta saboolnimada iyo korodhka jariimooyinka bulshada ka dhaca; xidhiidhka u dhexeeya burburka qoyska iyo caruurta derbi jiifka ah; xidhiidhka ka dhexeeya qaad cunidda iyo qoys burburka. Intaas oo arrimood oo isku xidhan waxa ugu danbayn kaga soo min-guurin karaa in cunitaanta qaadku kordhiyo burburka qoyska, caruurta derbi jiifka ah iyo jariimooyinka. Dhirin-dhirinta noocan ah waxa loo yaqaan Abstract reasoning waana wax wali ku adag caruurta ku jirta marxallada saddexaad.
Waxaynu ku dheeraanay sida garaadka ilmuhu u kobco marxalladan, waxaase is waydiin leh sidee u taageeraa maskaxda koraysa ee ilmaha. Ugu horayn, waalidka ama macalimka danaynaya in ilmuhu si fudud wax u fahmo, si madax-bannaana u fikiro, hal abuurna yeesho waa in uu ilmaha ka ilaaliyo saacado badan oo uu dhex fadhiyo fasal iftiinkiisu hooseeyo, hawadu ku yar tahay, nadaafadiisu liidato, aan lahayn wax maskaxda ilmaha cariya oo dareenkiisa xadanteeya.
Waxa xaqiiqo ah oo culimda saykoolajiga koritaanku tarjibo iyo baadhis dheer ku ogaadeen in sida ugu fiican ee ilmaha wax loo barikaraa ay tahay tajribayn iyo dhugasho ( experimentation and observation). Waxaynu soo sheegnay in inta ay da’dan (7-11) kujiraan fikirkoodu ka duulo uun waxa ay arki karaan ee ay taaban karaan, sidaa darteed culays ayay ilmaha ku tahay in uu fahmo cashar dareeris ah oo buug uun la akhrinayo.
Isku day in aad abuurto howl gacmeed ilmahaagu kaala qayb qaadan karo oo aad ku fahamsiiso fikrado badan oo kakan; sida dhererka, cufka, culayska, bedka, balaca, iyo baaxadda shay leeyahay.
Caruurta da’dan ahi waxay jecel yihiin sheeko werinta, ku dhiiri geli in uu sheeko isagu abuuro oo waliba qoro, u keen xusuus qor uu sheekooyinkiisa ku diiwaan geliyo, adoo xiise muujinaya dhegayso oo su’aalo isaga macquul u ah ka waydii, kadib u soo jeedi talo-bixin uu kusii balaadhiyo khiyaalkiisa. Waxa laga yaaba in sheekooyinkiisu macno kuu samayn waayaan. Ha ku dheel-dheelin oo ha niyad jebin, isaga macno wayn ayay u samaynayaan; xasuusnow in caruurtu leedahay hab-fikir u gaar ah oo kaaga ka duwan.
Waxa caado inoo ah in aynu culayska saarno in caruurteenu darajo-sare ka keenaan imtixaanada dugsiga; waxaynu hilmaansanahay in ilmaha sideed jirka ahi aanu beri ku shaqo tegayn waxa uu maanta bartay. Sida hada ay ku dhaqmaan wadamo badan oo xaga aqoonta hore uga maray, waxay joojiyeen dhamaan imtixaankii laga qaadaayay caruurta ilaa uu gaadho dugsiga dhexe.
Waxay ogyihiin in muhimadu ay tahay in ilmuhu yeesho awooda aqoon-raadinta, isku kalsoonaan, hal-abuur, maskax-faduuli ah oo aan fadhiyin, maskax aan sugayn in wax lagu shubo ee wax is waydiinaysa. Waa kuwaas astaamaha ay tahay in aad ilmahaaga ka raadiso marka aad rabto in aad qiimayso in uu horumar sameeyay oo waxbarashadii ka faa’iiday..
Lasoco qaybta afraad siina faafi si looga faa’iido