Maxaa xal looga gaadhi laayahay wada-xaajoodka Arrimaha Somaliland iyo Somalia? (WQ: Mukhtaar Xasan Axmed)

Sababta aan xal waara looga gaadhayn wada hadallada Somaliland iyo Somalia waxa u sabab ah Dhawrkan qodob oo saameyn xoogan leh

1: kal duwanaanshaha mowqifyada labada dal: Somaliland oo go’aankeeda u danbeeyaa yahay In ay noqoto dal madaxbanaan halka Somalia aanay taasi u cuntamayn.

2: colaada u dhexaysa  dawladaha Turkiga iyo Sucuudiga: dhanka sucuudigu wuxuu taageero aad u balaadhan siiya Somaliland isagoo ka taageeray dhinacyada dhaqaalaha sida dhoofinta xoolaha, dhisida marsada Berbera iyo aqoonsiga baasaboorka Somaliland, halka uu turkigu dawladda Soomaaliya ka taageero, gargaarka arrimaha bini’aadanimo,dhisida cusbitaallo,taageerada dhanka millitariga iyo waliba lahaanshaha uu turkigu ku leeyahay saldhig millatari dalka Soomaaliya

3: Colaada u dhexaysa dawladaha Qatar iyo Sucuudiga

Qatar iyo Turkiga, oo maal gashigooda ay inta badan ku sugan yihiin Muqdisho, ayaa diiradda lagu saaray sidii loo taageeri lahaa Madaxweyne Maxamed C / llaahi Maxamed Farmaajo. Isaga iyo madaxdiisa ayaa si weyn uga soo muuqday gudaha Soomaaliya iyagoo ay weheliyaan diblomaasiyiin reer galbeed ah oo daacad u ah Qatar kadib markii ay ka heleen lacag loogu talagalay ololahoodii doorashadii 2017. Sarkaal ka tirsan dowladda Qatar ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in $ 385 milyan oo doollar ay ku bixiyeen kaabayaasha dhaqaalaha, waxbarashada iyo gargaarka bini’aadannimo ee ay siiyaan dowladda dhexe ee Soomaaliya. Sidoo kale dowladda Soomaaliya ay ka diiday Sacuudiga $80 milyan oo ah deeq ka timid Sacuudiga si  Soomaaliya ay xidhiidhka diblomaasiyadeed ay ugu jarto Qatar. ”  taasoo dowladda Sacuudiga ay culays ku saaraysey Soomaaliya ka noqoshada go’aankii Soomaaliya ee ahaa in ay dhexdhexaad ka ahaato go’doomintii ay qaar ka mid ah dowladaha Carabtu ku soo rogeen Qadar,” Soomaaliya ayaana diiday. Iyadoo diidmadaas  Sacuudi Carabiya ka jawaabayo wuxuu si rasmi ah u aqoonsadey in baasaboorka Somaliland Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi, uu ugu safro  Sacuudi Carabiya kahor Ciidul Adxaa.  madaxweyne muuse biix ayey Sacuudigu ku aqbaleen baasaboorka Somaliland halkii laga siin lahaa baasaboorada Soomaalida. Tallaabadan ayaa laga yaabaa inay uga sii darto xasilloonida hore uga dhex  jirtay Somaliland iyo Soomaaliya, maadaama Sacuudi Carabiya, ka mid ah kuwa ugu weyn soo dhoofsata xoolaha dalka Somaliland, uu u aqoonsanayso Somaliland gobolka iskiis u madax-bannaan.

4:  Hirdanka Turkiga iyo reer galbeedka.

Dalalka ugu tunka weyn dawladaha reer galbeedku waxay saldhigyo millatari ku leeyihiin dalka jabuuti, sidoo kale Sucuudiga oo taageero ka helaya Maraykanku wuxuu saldhig millatari ka samaysanayaa Somaliland halka uu imaaratku gacanta ku hayo dekedaha Somaliland iyo puntland. Sacuudi Carabiya iyo Imaaraatka waxay sii kordhinayaan aragtida xeebaha Somaliland – iyo Jabuuti iyo Ereteriya(dhanka woqooyi) – inay yihiin  qaar taageero siinaya”xasiloonida reer galbeedka”, sida laga soo xigtay diblomaasi sare oo reer galbeed ah oo ku sugan gobolka Geeska Afrika.

Taasi waxay dhalisay in dawlada turkigu ay saldhig millatari ka samaysato dawlada Soomaaliya Iyadoo siinasa taageero aad u balaadhan.

Gunaanad

xafiiltanka ka dhex jira Jasiiraddaha Carbeed ayaan marnaba suurtogal ka dhigayn mid midha dhala Wadahadalada u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya, sidookale Ka wada hadalka xaaladda siyaasadeed ee Somaliland waxay abuuri kartaa dhaqdhaqaaq iska-hor-imaad ah oo ka dhex dhaca dowladaha Carbeed

Ugu dambeyn wadahadallada Soomaliland iyo Soomaaliya waxa qasab ah in laga wadahadlo dhinacya dhaqaalaha,hawada iyo habka loo nidaaminayo qaadhaanka wadamada adduunka.