Somaliland jiirkii ayaa ku batay! (WQ: Maxamed Xaaji Maxamuud)

 

”Rat” eraygani inkasta oo uu macno badan yahay haddana xuska dawladnimada iyo ummadnimada meel foolxun ayuu ku leeyahay.

Qofka dalkiisa iyo umaddii uu Alle ka beeray ka xigsada cid kale, oo goor walba cadow kalkaal ah, danta dadkiisana u baylihiya shillimaad yaryar oo uu necaybka dadkiisa ka helo ayaa afka dawladnimada lagu yidhaa ‘rat’.

Somaliland jiirrarkii ayaa aad ugu batay, caruur yaryar oo aan aqoon iyo waayo-aragnimo fog lahayn, ayaa wixii magaalooyinkii Somaliland ugu waaweynaa u halligmeen hunguri togaaleynaya.

Dawladnimada maanta taal, amniga hana-qaaday iyo dhaqaalaha kalsoonida ku abuurmay waxa suura-galiyey waa nafihii u shihiiday shaley, hantidii loo burburiyey iyo malaayiinkii u mustaqbal beelay si ay mustaqbalka kuwa maanta joogga u wanaajiyaan, iyaga oo dantooda halleynaya!

In badan oo aan maalmahaa madowga badnaa jirin, se ku caqliyeystay nabad, horumar, doorashooyin iyo caqli xor ah waxa ay abaalkii intii dhimatay, hantidii burburtay iyo mustaqbalkii iyaga loo hibeeyey ka noqdeen jiirrar dib u dulleeya dadkooda.

Shaarubahaa Farmaajo ku yaal iyo gadhkaa xiiran ee maantu, shaley ayey ahayd kuwa noociisa ah oo ku amar-ku-taagleyn jiray maatida, dumarka iyo caruurta u badan. Waxba waydaan dunida ka ogayn e, maantana wanaag Xamar idiin yaal ma jiro.

Dalwadda Somaliland iyo axsaabta qaranka hawl weyn ayaa u taal. Waxa u taal in jiirrarka intii loo caqli celin karo la hannuuniyo, inta mamtay ee shillinku dulleystayna la xakameeyo.

Arrintaa in meel siyaasiyan loo ga soo wada-jeesto waa laga ma maarmaan. Haddii kale jiirku waa uu sii badan oo uu sii waaweynaan, walo-san-dheer na laga yaabee in uu isku dhalan-roggo!

Mohamed Hagi Mohamoud