Waxtar mise waxyeelo (WQ: Maxamed Xasan Muuse)

 

Bismilaahi. Qormadan yar ee kooban, waxaan doonayaa inaan isku dul taago dhacdo maanta dalkeena ka taagan, aniga oo doonaya in aanan xagga taban wax ka eegin ee aan bal xagga togan ka istaago. Balse intaas oo dhan ka hor, waxaan jeclaystay inaynu is xasuusino halka aynu ka nimid ama wax kasoo bilownay. Dalkii maxmiyadda ahaa ee 26kii Juun, sannadkii 1960kii gobonimadda ka qaatay boqortooyadii midowday ee Ingiriiska iyo Waqooyiga Ayrland ( United Kingdom and Northern Ireland ) lana odhan jiray maxmiyadda Somaliland (Somaliland Protectorate) kuna biirtay Soomaaliya 1dii Julaay, sannadkii 1960kii, si ay u wada curiyaan Jamhuuriyadda Soomaaliya ( Somali Republic), dibna uga la noqday gooni isu taagii ka dib dalaago qadhaadh oo dhiig badan ku daatay shirkii beelaha ee Burco ka dhacay 27kii Abriil ilaa 18kii May, 1991, sidaasna ku noqday dal madax bannaan oo leh xaqa iyo xurmadda qaranimadiisa, kuna magac dheer Jamhuuriyadda Somaliland.

Inaa ka dib, aan u imaado ujeeddada qoraalkaygan oo ah saldhigga milateri ee ay dhawaan Somaliland ka codsadeen Imaaraatka Carabtu (U.A.E).

Somaliland wax ay dhacdaa buqcad aad u muhiim ah oo ku taal marin biyoodka muhiimka ah ee loo yaqaan Baabul Mandab. Marinkan oo sida Suez Canal isku xidha badda cad, badda cas iyo badweynta Hindiya ayaa isaga oo taa ogsoon Imaaraatka Carabtu weydiisteen qaranka Jamhuuriyadda Somaliland saldhiggan milateri. Balse maxay daaran tahay ujeedadoodu?

Saldhiggan milateri ayaa ah strategic interest, waxaanu uu ku fadhiisan doonaa dhul baaxaddiisu dhan tahay 40 mile square o ah saldhig ciidanka oo cirka ah (Air Base), saldhiggaas oo diyaaraddaha dagaalku hubkooda iyo saanadooda dhigan karaan, kana dagaal geli karaan markii loo baahdo. Waxa kale oo iyana meesha ku jirta saldhig dhinaca badda(Naval Base) ah oo ay doonayaan in ay ka yagleeshaan xeebta Awliyo Koombo oo 15km ka xigta xagga waqooyiga koonfureed magaaladda Berbera, halka saldhigga milateri ay doonayaa inay ka dhigtaan gegida diyaaradaha ee magaaladda Berbera. Saldhiggan badda (Naval Base) ayaa isna ku fadhiisan

doona dhul baaxaddiisu dhan tahay ugu yaraan 10mile square kaas oo ay raakiibta dagaalku kusoo xidhmi doonaan oo shidaal ka qaadan karaan, kana shiraacdaan markay dagaal galayaan.

Waxa aynu musawir dhab ah ka qaadanay waxa uu yahay saldhiggan, balse haatan waxa mudan in aynu is weydiino suโ€™aalo badan oo ay ka mid yihiin:

  1. Dawladda Imaaraadka Carabtu dan bay leedahee, waa maxay danta Somaliland?
  2. Dawlad aan la ictiraafsanayn sidee ayay heshiiska baaxaddaa leh u geli kartaa?
  3. Yaa Somaliland uga masuul ah khayraadka bad iyo berri oo damaanad qaadaya?
  4. Xidhiidhkii fiicnaa ee Itoobiya iyo Somaliland halkee ayuu ku dambeynayaa?
  5. Saamayn intee leโ€™eg ayay ku yeelan kartaa amniga Somaliland ee aan ku naaloonayno?
  6. Heshiisku se ma yahay mid cad( official ) mise waa mid madmadow badan ku hoos jiro?
  7. Ma laga yaabaa in ciidanka Imaaraadku fara geliyaan ciidanka Somaliland?
  8. Saldhigga Imaaraatka Carabtu ma inna siinayaa ictiraaf caalami ah?
  9. Lacagtu ma tahay mid dantooda ka weyn oo inoo goysa waxaynu rabno oo dhinacyo badan leh sida horumarinta, kaabayaasha dhaqaalaha, ganacsiga iyo diblomaasiyadda?
  10. Waa hubaal inaynu yeelanayno cadow badan oo aynaan imika lahayn. Qorshaha ma lagu darsaday arrintaa?
  11. Talow miyay hilmaansan yihiin in cidda dhimanaysa iyo dalka burburayaa uu dalkeena iyo dadkeena yahay, haddii saldhiggaasi dhibaato keeno?
  12. Yaa u gar qaadaya dadka reer miyiga ah iyo ciidanka Carabta?
  13. Degaanka qashinka lagu gurayaa waa baddeenii iyo berrigiinii ee nabaad guurka iman doona ama saldhiggu sababyo xisaabta ma lagu darsaday?
  14. Haddiiba ay dhacdo, alle inaguma keenee colaad, ma is difaaci karnaa oo ma haysanaa hubkeedii iyo ciidankeedii?
  15. Dhaqan xumada ay ciidankaasi soo waaridayaan yaa u qoolan ee aan ahayn dadkeena ?

Guntii iyo geba-gebadii qoraalkan, waxaan leeyahay kax kasta oo aduunka jira waxa la is barbar dhiggaa khasaarihiisa iyo faaโ€™iidadiisa (pros and cons), waxaana laga qiyaas qaataa hadba kiisa bata.

Ma cid gaar ah ayaa wadata oo dan shakhsi ah ayaa loo addeegayaa mise shabaabkana waa la tixgeliyay aragtidooda. Waxaan filayaa inuu guux badan jiro ee hala dabiibo intay goori goor tahay oo wada tashi badan ha laga yeesho. Yaan laga dhigin in xisbi ama xukuumadd wadato.

Mudane ama xildhibaan waa adiga cida midida daabkeeda haysaa ee arinka ha ka dhigin manta oo kaliya ee qorshaha ku dar shalay iyo bariba .

Waxaan kusoo afmeerayaa qormadan kooban maansadii Mullaax ee Ibraahim-Gadhle:

Waxaad shalayto mudatiyo,

Ma-hadhada xasuusnoow,

Halku qorigu kaa muday,

Mar labaad lugtaadiyo,

Cagtu yaanay kula marin.

Ibraahim Sheekh Saleebaan (Ibraahim-Gadhle) AHN

WQ: Maxamed Xasan Muuse

Email: calaydh1989@gmail.com